HomeWararDil ka dhacay Magalada Muqdisho & faah faahin ka soo baxeysa

Dil ka dhacay Magalada Muqdisho & faah faahin ka soo baxeysa

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Rag hubeysan ayaa Salaadii Maqrib kadib ee Caawa waxa ay degmada Shibis ee Gobolkan Banaadir ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in askariga lagu dilay Agagaarka Masaajidka Dhagaweyne oo u dhow Isgoyska Maana Booliyo ee degmada Shibis. Askariga la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu soo gaabiyay Deeqow,waxana Goobta […]

- Advertisement -

Rag hubeysan ayaa Salaadii Maqrib kadib ee Caawa waxa ay degmada Shibis ee Gobolkan Banaadir ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in askariga lagu dilay Agagaarka Masaajidka Dhagaweyne oo u dhow Isgoyska Maana Booliyo ee degmada Shibis.

- Advertisement -

Askariga la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu soo gaabiyay Deeqow,waxana Goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyay dilka askariga.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay,waxaana halkaasi ka soo qaadeen meydka askariga.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka askariga wallow aysan jirin ilaa iyo hadda cid loo qabtay.

- Advertisement -

Inta badan degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa waxaa mar walba ka dhaca dulalka loo geysanayo askarta ka tirsan Ciidamada Dowladda,waxana xalay agagaarka Isgoyska Black sea  ee degmada Hodan lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.

Latest stories