HomeWararSawirro:-Madaxweyne Muuse Biixi oo Maanta gaaray Tukaraq

Sawirro:-Madaxweyne Muuse Biixi oo Maanta gaaray Tukaraq

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweynaha Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamada Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kamid ah waftiga uu hoggaaminayo ee safarrada shaqo ku maraya deegaanada Somaliland, ayaa maanta booqasho ku tegay fadhiisimada ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin Jiidda aagga bari ee deegaankaTukaraq.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan taliyaha ciidanka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, taliyaha ciidanka Booliska, Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo maamulka gobolka Sool, ayaa ka hor intii aanay gaadhin jiidda hore ciidamada, waxa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaanka Tukaraq, iyaga oo u gudbay fadhiisimaha waaweyn ee deegaanka dhinaca Bari kaxiga, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiisha iyo saraakiil-ku-xigeennada talisyada kala duwan ee qaranku ku leeyihiin Aaggaas, halkaas oo uu madaxweynuhu salaam sharaf kaga qaatay cutub kamid ah ciidanka.

 

Taliyaha ciidanka Somaliland, Sarreeye gaas, Nuux Ismaaciil Taani oo madaxweynaha warbixin ku siiyey fadhiisimada ciidamada ee Aagga Tukaraq ku leeyihiin, ayaa ugu horrayn madaxweynaha ku bogaadiyey booqashadiisa uu ugu kuurgelayo xaaladda ciidamada, isaga oo sidoo kalena ku bogaadiyey sida uu u danaynayo daryeelka ciidanka, waxana uu yidhi, “Aad baan madaxweyne kaaga mahadnaqayaa sida wanaagsan ee aad ciidanka u taakulayso iyo sida aad markasta u doonayso in wax loo qabto ciidanka.”

 

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland, Mudane Ciise Axmed Yuusuf oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa si mug leh u ammaanay ciidamada, isla markaana ku bogaadiyey sida ay ciidan ahaan uga go’an tahay inay dalka iyo dadkaba difaacaan.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay ciidamada ku sugan jiidda hore ee Tukaraq, ayaa sharraxay sida ay ciidamadu muhiimka ugu yihiin nolosha iyo sida ay shaqadoodu u tahay midda ugu karaamada badan adduunka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shaqada la isku wada raacsan yahay ee laga yaabo inaanay dheef badan lahayn, laakiin karaamo iyo ixtiraam iyo duco loo hayo, halka ugu karaamada badan ee ummadda oo dhammi isku raacsan tahay waa ciidamada Somaliland , waayo ciidamadu waa astaantii Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada Somaliland  kula dardaarmay inaanay ka niyad-jabin shaqada aan dheefta lahayn ee ay bulshadooda u hayaan, islamarkaana ay abaalkeeda heli doonaan, “Hawshaas aad gashaan haku coloolyoobina, haddaad aragtaan guryihiinna iyo dadkiinna oo dayacan haku caloolyoobina, samaha aad gelaysaan, nafta aad u huraysaan iyo dalka waxa aad u qabanaysaan Ilaahay meel kaluu idinka siinayaa markaad si wanaagsan u gudataan, markaa dhibta aad qabtaan dheef-yaraanta jirta iyo hawsha marnaba shaydaanku yuu idinka wisiisiyin,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories