HomeCaalamkaSawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay Talyaaniga

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay Talyaaniga

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabogabeeyay booqasho rasmi ah oo uu muddo saddex cisho ah ku joogay dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa intii uu Rome ku sugnaa waxa uu wada hadallo la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Giuseppe Conte iyo Madaxweyne Sergio Mattarella, isaga oo inta aanu soo ambabixin kulamo la qaatay Afhayeennada labada aqal ee Barlamaanka Talyaaniga Marwo Maria Alisabetta Casellati iyo Mudane Roberto Fico.

- Advertisement -

Wada hadallada uu Madaxweynaha la yeeshay dhammaan madaxda Talyaaniga ayaa ahaa kuwo miro dhal ah oo diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, maalgashiga iyo horumarinta.

“Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa haatan ku sugan magaalada Istanbul halkaas oo uu maanta wada hadallo kula yeelanayo Madaxweynaha Turkiya Mudane Rajab Dayib Erdogaan.

- Advertisement -

Latest stories