HomeCaalamkaBoqolaal kun oo qof oo u qaxay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Boqolaal kun oo qof oo u qaxay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Ha’yadda NRC waxay sheegtay in kabadan 200,000 qof ay ka barakaceen dagaallada qowmiyadaha u dhexeeya ee ka dhacay dalka Itoobiya, dadkan ayaa u qaxay Dowlad Degaanka Soomaalida tan iyo bishii July.

NRC waxay sidoo kale sheegtay in guud ahaan dadka ka qaxay sannadihii ugu dambeeyay dagaallada u dhexeeyay qowmiyadaha qaar ay ka badan yihiin 700,000 qof.

- Advertisement -

Inta badan dadkan waxay kasoo barakceen gobolka Oromada, guud ahaan deegannada soomaalida ee Itoobiya waxaa ku barakacay ku dhawaad 1.1 milyan oo qof.

Marka laga reebo colaadda, ha’yadda waxay sheegtay in dhibaatooyinka kale ee dadkan soo qixiyay ay kamid yihiin abaaraha iyo daadad ku dhuftay deegannadooda.

“Dagallaada qowmiyadaha ee ka taagan xadka u dhexeeya gobollada Oromada iyo Soomaalida ayaa ku khasbay qoysaska inay buux dhaafiyaan xeryaha barkacayaasha, xeryaha qaxootiga waxaa ka howlgalaa shaqaale gargaar oo ay tiradoodu yartahay, qoysas badan ayaa maalin kasta soo barakacaa” ayay tiri la taliyaha ha’yadda NRC ee xaaladaha gobolka,Evelyn Aero.

- Advertisement -

Waxay intaasi ku dartay in odeyaasha deegaanka ay u sheegeen in wax gargaar ah aysan haysanin isla markaasna dadka ay u geeriyoonayaan caawimaad la’aan.

Evelyn Aero ayaa qabtaa in rabshadaha sannadkan ka dhacay Itoobiya ay noqdeen kuwo aysan ka war haynin beesha caalamka, dowladdana ay u raadinayso xal kama dambays ah xaaladaha baan’iiaadanimo.

Waxay ka codsatay ha’ayadaha gargaarka inay isha ku hayaan xaaladda isla markaasna gargaar ay gaarsiiyaan dadkan soo barakacay sii loo badbaadiyo nolosha.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories