HomeCaalamkaUrurka Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay qaraxyadii dhawaan ka dhacay Muqdisho

Ururka Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay qaraxyadii dhawaan ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Mudane Axmed Abul-qeyd oo ah Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si kulul u canbaareeyay weerarkii qaraxyada ahaa oo Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka Saxafi oo ku yaalla isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, ayna dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad rayid ah. Xoghayuhu waxa uu isagoo ku hadlaya magaca xubnaha jaamacadda Carabta  uga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Mudane Axmed Abul-qeyd oo ah Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si kulul u canbaareeyay weerarkii qaraxyada ahaa oo Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka Saxafi oo ku yaalla isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, ayna dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad rayid ah.

Xoghayuhu waxa uu isagoo ku hadlaya magaca xubnaha jaamacadda Carabta  uga tacsiyadeeyay Xukuumadda Soomaalia iyo ehelada dadkii  ku geeriyooday, wuxuuna kuwa ku dhaawacmay ilaaahay uga baryay inuu siiyo caafimaad taam ah.

- Advertisement -

Danjire Mahmud Caatiqi oo ah afhayeenka rasmi ah ee Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay inay Jaamacaddu ay ku gacan siinayso Xukuumadda Soomaaliya dadaalka ay uga jirto nabad ka soo dabaalidda dalka.

Sidoo kale Afhayeenku  waxa uu mar kale sheegay kalsoonida ay Jaamacadda Carabta ku qabto awooda ay Dowladda Soomaalia u leedahay ka hortagga iyo ka guuleysiga  weerarada ee noocan ah  in kastoo ayuu yiri ( xiligaan ay Soomaalia wajahayso duruufo aad u adag) wuxuuna ugu baaqay bulshada caalamka inay laba laabaan taageerada Soomaalia ay u fidinayaan si ay dib u dhis ugu sameyso kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha Dowladda iyo sugida degenaashaha dalka.

Dhaanka kale  Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada  Sacuudiga iyo Afhayeen u hadlay Culumada Al-Azhar Shariif ayaa iyana si isku mid ah u cambaareeyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee Todobaadkii hore laa beegsaday Xarumo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla bartamaha magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Waxayna cadeeyeen inay teegeero hiil iyo booba leh ay la baarbar taagan yihiin Xukuumadda iyo Shacabka Soomaliyeed sidii looga guulaysan lahaa nooc kasta  oo fal sababi kara amnidarro.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts