HomeCaalamkaMagufuli oo xilka ka qaaday qaar ka mid ah golaha wasiirada

Magufuli oo xilka ka qaaday qaar ka mid ah golaha wasiirada

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxwaynaha dalka Tanzaniya John Magufuli, ayaa xilka ka qaaday wasiirada beeraha iyo ganacsiga waxa uuna ku hanjabay in uu militariga uu daadgureyn doono taasi oo looga gol leeyahay in lagu xaliyo dhibaatada haysata beeraleyda dalaga Cashew nuts loo yaqaano. Dhoofinta dalagan ayaa ka mid ah waxyaabaha uu qarashaadka badan ka so galo dalka Tanzaniya ,balse […]

- Advertisement -

Madaxwaynaha dalka Tanzaniya John Magufuli, ayaa xilka ka qaaday wasiirada beeraha iyo ganacsiga waxa uuna ku hanjabay in uu militariga uu daadgureyn doono taasi oo looga gol leeyahay in lagu xaliyo dhibaatada haysata beeraleyda dalaga Cashew nuts loo yaqaano.

Dhoofinta dalagan ayaa ka mid ah waxyaabaha uu qarashaadka badan ka so galo dalka Tanzaniya ,balse sanadkan waxaa halis galiyay dalagani ka dib muran ka dhashay qiimaha mirahani.

- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Tanzania ayaa tallabo adag qaaday si uu xaqiijiyo in kumanaan beeraleey ah ay dalagooda ugu iibsadan qiimo wanagsan.

Dhanka kale dawladda ayaa iyadana faa’iido dhanka lacagaha qalaad ah ka hesho marka dalka dibadiisa loo iib geeyo dalaggan loo yaqaan cashew nuts-ka.

Muddo toddobaadyo ahba Beeraleeyda ayaa diidanaa in ay iibiyaan dalaggooda sababtoo ah waxa ay ka cabanayeen hoos u dhac ku yimi qiimaha dalagga.

- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Tanzania john Magufuli ayaa marka hore xilka ka xayuubiyay laba wasiir oo sida la sheegay ku guul dareesytay in ay soo afjaraan dhibaatada hoos u dhaca qiimaha dalagga.

Marka labaadna waxaa uu eed dusha gaga tuuray ganacsatada isku dayaya in ay hoos u dhigaan qiimaha dalagga ay kaga soo iibsanayaan beeraleeyda waxa uuna amar ku bixiyay in laga bilaabo Isniinta lagu kordhiyo lacag dhan 1.3 doolar kiilihiiba.

Haddii ay diidaan qiimahaasina waxa uu sheegaya in 70 gaari oo ah kuwa milatariga uu diri doono kadibna ay soo rari doonaan dhamaan dalagga taas oo ay dawladdu iibsan doono badalkii ganacsatada.

BBC SOMALIA

Latest stories