HomeWararMagaca Ninkii Soomaaliga ee weerarka ka geystay Australia oo la shaaciyey

Magaca Ninkii Soomaaliga ee weerarka ka geystay Australia oo la shaaciyey

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Boliska dalkaasi waxay faahfaahin ka bixiyeen Ninkii Soomaaliga ee shalay lagu dilay magaalladda Melbourne, kadib markii uu tooreey ku dilay hal qof, kuna dhaawacay 2 kale. Warbaahinta dalkaasi waxay shaaciyeen in ninka Soomaaliga ee dilka geystay lagu magacaabi jirey Xasan Khaliif Shire Cali oo 30-jir ah. Ninkaasi waxaa la sheegay inuu watay gaari dusha ka […]

- Advertisement -

Boliska dalkaasi waxay faahfaahin ka bixiyeen Ninkii Soomaaliga ee shalay lagu dilay magaalladda Melbourne, kadib markii uu tooreey ku dilay hal qof, kuna dhaawacay 2 kale.

Warbaahinta dalkaasi waxay shaaciyeen in ninka Soomaaliga ee dilka geystay lagu magacaabi jirey Xasan Khaliif Shire Cali oo 30-jir ah.

- Advertisement -

Ninkaasi waxaa la sheegay inuu watay gaari dusha ka furan oo uu ka soo buuxiyey Haamaha Gaaska lagu kariyo cuntada, si uu weerar kale ugu geysto sida ay Boliska Australia ku doodeen.

Boliska waxay Marxuumka ka toogteen laabta, wuxuuna dhaawac ahaan ugu geeriyooday Isbitaalka.

Marxuumka oo sannadihii 1990-aadkii tegay dalkaasi waxaa la sheegay inay Hay’adaha Ammaanka isha ku hayeen, iyadoo Baasaboorkiisa Australian-ka laga kansal gareeyey sannadkii 2015-kii, xilli uu u dhoofi lahaa dalka Syria.

- Advertisement -

Dhinaca kale, nin ay walaalo yihiin Marxuumkaasi oo lagu magacaabo Cali Khaliif Shire Cali ayaa ku xiran dalka Australia, isagoo ah dacwad-suge ku eedeysan Argagixisaimo.

Dacwadiisa waxaa la dhegeysan doonaa sanadka soo socda ee 2019-ka, sida laga soo xigtay Hay’adaha Garsoorka ee Australia.

WQ: Ustaad Axmed Haaji Ugaaska

Latest stories