HomeCaalamkaXabaal Wadareedyo laga helay xadka kala qaybiya Gobollada Soomaalida iyo Oromada Itoobiya

Xabaal Wadareedyo laga helay xadka kala qaybiya Gobollada Soomaalida iyo Oromada Itoobiya

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Boliiska Dalka Itoobiya ayaa sheegay inay heleen Xabaal wadareedyo ay ku jireen Meydadka 200 Qof oo lagu aasay inta u dhexeysa xadka kala qaybiya Gobollada Soomaalida iyo Oromada.

Warbaahinta maxalliga ee Dalka Itoobiya ah ayaa sheegtay in Xabaal wadareedyadani la helay xiili lagu guda jiray baaritaanno ka dhan ah tacaddiyada loo haysto Madaxweynihii hore ee degaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar.

- Advertisement -

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sugaya Maxkamad, iyadoo lagu eedeeynayo kicin Shacab iyo isku dhacyada Jinsiyadda ku salaysan ee Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada, isagoo si toos ah u adeegsanaya Ciidanka Liyuu Boliiska.

Ciidanka Boliiska Itoobiya ayaa dedaallo ugu jira inay aqoonsadaan Magacyada iyo Jinsiyadaha Meydadka ay heleen.

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa is casilay Bishii August ee Sanadkan, waxaana xabsiga loo taxaabay Todobaadyo ka dib, markii rabshado lagu eedeeyay taageerayaashiisa ay ka dhaceen Magaalada Jig-jiga ee Caasimadda Gobolka Soomaalida.

- Advertisement -

SONNA

Latest stories