HomeCaalamkaMareykanka oo xayiraad ku soo rogay shakhsiyaad u dhashay Ruushka

Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay shakhsiyaad u dhashay Ruushka

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Dowladda Mareykanka ayaa xayiraado dheeraad ah ku soo rogtay dhawr qof iyo ururro lala xiriirinayo tallaabadii Ruushku uu u goostay gobolka Crimea sanadkii 2014.

Laba qof oo reer Ukraine ah iyo mid Ruushka u dhashay ayaa xayiraadahani cusub lagu bartilmaameedsaday.

- Advertisement -

Sidoo kale sagaal shirkadood oo kale oo laga leeyahay waddamada Ruushka iyo Ukraine ayaa iyana xayiraado lagu soo rogay.

Shirkadahaasi waxaa ka mid ah hoteel uu maalgeliyay bangiga ugu weyn dalka Ruushka.

Mas’uul ka tirsan laamaha ammaanka ee dowladda dhexe ee Ruushka ayaa isaguna lagu bartilmaameedsaday xayiraadahan Mareykanka.

- Advertisement -

Saraakiisha dalka Mareykanka ayaa sheegaya in shirkadahani iyo shakhsiyaadka xayiraadda lagu soo rogay ay ka macaashayaan qabsashada ay xukuumadda Moscow qabsatay gobolka Crimea.

Xayiraadahan cusub ee Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli lagu wado in magaalada Paris ee dalka Faransiiska ay ku kulmaan madaxweyne Trump iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin.

Weriyaha BBC-dam ee Washington ayaa sheegaya in tallaabadani uu Mareykanka qaaday ay ku soo beegmeyso xilli madaxweyne Trump lagu dhaliilayo in uu aad ugu debacsan yahay dowladda Ruushka marka loo eego maamulkiisa.

Bilo ka hora yay ahayd markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo, uu xaqiijiyay in xukuumadda Washington ay diidan tahay oo aysan aqbalayn qabsashadii Ruushku uu qabsaday gobolka Crimea ee dalka Ukraine.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin la wareegidda Ruushka ay gobolka Crimea kala wareegeen dalka Ukraine.

Maraykanka ayaa kal hore sheegay in Ruushku uu cawaaqib xumo kala kulmi doono kicintii uu kiciyay dadka gobolka Crimea, taasi oo u horseeday in ay u codeeyeen inay Ruushka ku biiraan.

Bartamihii bishii Maarso ee sanadkii 2014 ayaa madaxweynaha Ruushka, Valadamir Putin, waxa uu saxiixay amar lagu aqoonsanayo madaxbannaanida Gobolka Crimea

Latest stories