HomeWararXiisad ka dhalatay Taliye Cusub oo loo Magacaabay Saldhiga Booliska degmada Kaaraan

Xiisad ka dhalatay Taliye Cusub oo loo Magacaabay Saldhiga Booliska degmada Kaaraan

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xilkii ka qaaday taliyihii Saldhiga Booliska degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir,iyada oo Salhdigaas taliye Cusub loo Magacaabay.

Taliyaha Cusub ee Saldhiga Booliska Kaaraan loo Magacaabay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Cabdi Sheekh Ciise Axmed Gacal,waxana uu bedelayaa taliyihii hore ee Saldhigaas ee xilka laga qaaday oo lagu Magacaabo Canjeex.

- Advertisement -

Wararka ay heshay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Taliyaha Cusub ee Saldhiga Booliska degmada Kaaraan uu la dhashay Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kaba Kudukade oo ah Gudoomiyaha Shabaab ugu Magacaaban Gobolka Shabellaha dhexe.

Kadib markii ay soo baxday Magacaabista taliyaha Saldhiga Booliska degmada Kaaraan ayaa waxaa xilka qaadista ka biyo diiday taliyihii Saldhigaas ee Canjeex,waxaana warar aan heleyno ay sheegayaan in Ciidamo farabadan oo boolis ah uu ku heysto banaanka hore ee Saldhiga.

Xilka qaadistaan iyo Magacaabistaas ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xilli isla Maanta xilkii laga qaaday guddoomiihii degmada Howl-wadaag,isla markaana guddoomiye kale la Magacaabay.

- Advertisement -

Latest stories