HomeCaalamkaMareykanka oo sheegtay in uu duqeyn ku dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Mareykanka oo sheegtay in uu duqeyn ku dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay weerar diyaarado loo adeegsaday ay ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyntan laga fuliyay deeganka Araare ee Gobolka Jubbada Hoose. Weerarka oo dhacay shalay ayaa sida bayaanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay weerar diyaarado loo adeegsaday ay ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyntan laga fuliyay deeganka Araare ee Gobolka Jubbada Hoose.

- Advertisement -

Weerarka oo dhacay shalay ayaa sida bayaanka lagu sheegay  waxaa lagu dilay afar xubnood oo ka tirsan Al-Shabab.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) aya lagu xusay in imika ay qiimaynayaan in weerarkaasi ay dad rayid ah ku dhinteen ama ku dhaawacmeen iyo in kale.

Bayaanka ayaa laga sheegay in duqeynta la fuliyay ka dib markii rag ka tirsan Al-Shabaab oo hubaysan ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayeen in ay ku weeraraan ciidamo bahwadaag la ah kuwa Mareykanka.

- Advertisement -

Ma jiro wax khasaaro ah oo ka soo gaaray ciidamada Mareykanka howlgalkan oo ay hormuud ka ahaayeen Soomaalida sida bayaanka ku xusan.

Warka qoraalka ah ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka ay sii wadi doonaan dhammaan tallaabooyiinka sharciga ah ee ay ku difaacayaan muwaadiniinta Mareykanka ayna ku minjaxaabinayaan Al-Shabaab,iyaga oo kaashanaya Ciidamada Amisom iyo kuwa qaranka Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts