HomeCaalamkaDowladda Britain oo sheegtay in wadahadalka DFS iyo SL ku xiran tahay...

Dowladda Britain oo sheegtay in wadahadalka DFS iyo SL ku xiran tahay Ictiraafka Somaliland

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Wargeyska Financial Times (FT) ee ka soo baxa London waxa uu bilowgii isbuucan Warbixin dheer ka qoray dadaalka Ictiraaf-raadiska Somaliland iyo Aragtida Dowladda Britain ee Yoolka lagu gaari karo Ictiraafkaasi. Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibedda ee UK oo la hadashay Wargeyska FT waxay sheegtay inay Dowladda Britain rumeysan tahay inay u taallo DFS iyo Soomaaliland si […]

- Advertisement -

Wargeyska Financial Times (FT) ee ka soo baxa London waxa uu bilowgii isbuucan Warbixin dheer ka qoray dadaalka Ictiraaf-raadiska Somaliland iyo Aragtida Dowladda Britain ee Yoolka lagu gaari karo Ictiraafkaasi.

Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibedda ee UK oo la hadashay Wargeyska FT waxay sheegtay inay Dowladda Britain rumeysan tahay inay u taallo DFS iyo Soomaaliland si ay u gaaraan Mustaqbal Wadajir ah iyo inay dalalka Gobalka iyo Jilayaasha dalalkaasi kaalin hoggaamin ka qaataan Natiijada Heshiiska ee DFS iyo SL.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Khabiir Axmer Sulaymaan oo ka tirsan Aqalka Chantam House ee London oo la hadlay Wargeyska FT ayaa sheegay inay dowladaha Reer Galbeedka ku mideysan yihiin Farriintaasi.

Ururka Midowga Afrika (AU) iyo Dalalka Gobalka uma muuqdaan inay qaadi doonaan tallaabada u dambaysa ee Ictiraafka SL ilaa uu wada-xaajoodka DFS iyo SL ka gaaraan heshiis Mustaqbal Wadajir ah.

Si kastaba ha ahaatee, Wada-xaajoodkii u socday DFS iyo Soomaaliland  waxa  hakad galay kulan la filayey inay Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi yeeshaan bilowgii sannadkan, kadib markii uu Madaxweynaha DFS gaashaanka ku dhuftay Maalgashiga Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) ee Dekedda magaalladda Berbera

- Advertisement -

Xigasho: Wargeyska FT

Latest stories