HomeMaqalDhageyso:-Golaha Iskaashiga oo ka jawaabay hadalkii Madaxweyne Farmaajo

Dhageyso:-Golaha Iskaashiga oo ka jawaabay hadalkii Madaxweyne Farmaajo

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Maalmo ka hor xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sugnaa dalka Suudaanta Koonfureed waxa uu si kulul u weeraray Madaxda Dowlad goboleedyada oo khilaaf uu haatan laga dhaxeyo Dowladda Federaalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa qodobada uu ku eedeeyay Dowlad Goboleedyada waxaa ka mid ahaa in Maamul goboleedyada ay ku xadgudbeen Siyaasada arrimaha Dibada,isla […]

- Advertisement -

Maalmo ka hor xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sugnaa dalka Suudaanta Koonfureed waxa uu si kulul u weeraray Madaxda Dowlad goboleedyada oo khilaaf uu haatan laga dhaxeyo Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qodobada uu ku eedeeyay Dowlad Goboleedyada waxaa ka mid ahaa in Maamul goboleedyada ay ku xadgudbeen Siyaasada arrimaha Dibada,isla markaan ay doonayaan in ay xiriiro toos ah iyo kulan inay la qaataan Madaxweynayaasha dalal kale.

- Advertisement -

Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ahna wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in Warka ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla markaana Dastuurka dalka ka jira uu arrintaasi ka hadlaayo.

Waxa uu sheegay in weli aysan dhicin eedeynta uu Madaxweyne Farmaajo u jeedinayo Dowlad Goboleedyada,balse mararka qaar ay dhici karto in dowladaha qaar iyo Maamul goboleedyada ay wada gaaraan heshiisyo ku saabsan Garoomo diyaaradeed iyo arrimo kale.

Waxaa sidoo kale Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada wax laga weeydiiyay Shirkii wadatashiga ee Madaxweyne Farmaajo ugu yeeray Dowlad goboleedyada,waxanaa uu sheegay inaysan jirin warqad toos ah oo uga timid Xafiiska Madaxweynaha,isla markaana ay ku socotay Dowlad goboleedyada.

- Advertisement -

Waxa uu aad u dhaliilay Siyaasada Madaxda Sare ee dalka oo uu ku tilmaamay inay tahay mid ku Shaqeysa social media taasna aysan aheyn dowladnimo sida  uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.

Latest stories