HomeCaalamkaWadaad ku Caan baxay Magaca 'Aabihii Taalibaan oo la dilay

Wadaad ku Caan baxay Magaca ‘Aabihii Taalibaan oo la dilay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Wadaadka reer Pakistan ee la yirahdo Maulana sami Al Xaq kuna caan baxay magaca ‘Aabihii Taalibaan’ ayaa lagu dilay magaalada Waqooyiga ku taalla ee Rawalpindi. Warbaahinta maxalliga oo ka soo xigatay qoyska wadaadka ayaa sheegay in toori lagu dilay halka warar kalena ay sheegayaan in la toogtay. Ma kala cadda sababta loo dilay Maulana Sami […]

- Advertisement -

Wadaadka reer Pakistan ee la yirahdo Maulana sami Al Xaq kuna caan baxay magaca ‘Aabihii Taalibaan’ ayaa lagu dilay magaalada Waqooyiga ku taalla ee Rawalpindi.

Warbaahinta maxalliga oo ka soo xigatay qoyska wadaadka ayaa sheegay in toori lagu dilay halka warar kalena ay sheegayaan in la toogtay.

- Advertisement -

Ma kala cadda sababta loo dilay Maulana Sami Al Xaq.

Al Xaq ayaa ahaa madaxa maddarasada Xaqqaaniyah oo ku taalla waqooyiga Pakistan, halkaaso ay wax kasoo barteen xubno ka tirsan ururka Taalibaan, waxaana kamid ahaa dadkii kasoo qajin jebiyay maddarasada Mullah Cumar oo ahaa aasaasihii ururka Taalibaan.

Waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo ku saleysan dilka ‘Aabaha Taalibaan’.

- Advertisement -

Wiil uu dhalay wadaadka wuxuu sheegay in aabihiisa dhowr jeer toori lala dhacay xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla magaalada Rawalpindi.

“Wuxuu casarkii ku nasanayay guriigiisa markaasi waxaa dibadda u baxay darawalkiisa muddo 15 daqiiqo ah” ayuu yiri Maulana Xamid Al Xaq oo ah wiilka wadaadka.

Wuxuu sii raaciyay “Markii uu soo laabtay, wuxuu arkay aabahay oo dhintay oo jirkiisa oo idil dhiig qabsaday”.

Qaar kamid ah ehelada Al Xaq ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in jirkiisa ay ka muuqatay dhaawacyo raasaas.

Ilaa hadda cid sheegatay ma jirto ma’suuliyadda dilka Al Xaq.

Cabsida dagaalka

Saraakiisha dalka Afqanistaan ayaa wadaadka la dilay oo 80 jir ahaa ka codsaday inuu ka qayb qaato wadahadallada furmay ee u dhexeeyo dowladda iyo Taalibaan.

Wuxuu ahaan jiray sanatar hore oo hoggaamin jiray xisbi ay ku taagnaayeen urur diimeedka Jaamicatul Culaama’u Islaam, wuxuuna ku dhawaa xisbiga ra’iisul wasaaraha Pakistan Cimraan Khaan.

Cimraan Khaan wuxuu hadda boqasho ku jooga magalaada Beijing ee dalka Shiinaha balse bayaan kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu caambaareeyay dilka Maulaan Al Xaq isla markaasna lagu amray in baaritaanno lagu sameeyo dhacdada.

Maulaana Sami Al Xaq waxaa ku xirnaa kumannaan qof oo ay kamid yihiin ardeydiisa, shacabka Afqanistaan iyo xubnaha Taalibaan.

Weriyaha BBC-da M. Ilyas Khan ayaa kusoo warramaya in dilka wadaadkan ay waddooyinka dalkaasi ka dhalin karto dibadbaxyo rabshado wata.

BBC SOMALI

Latest stories