HomeCaalamkaNabadoon Caan ka ah Puntland oo Xabsiga la dhigay & Hay’ado walaac...

Nabadoon Caan ka ah Puntland oo Xabsiga la dhigay & Hay’ado walaac ka muujiyay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Hay’adda difaaca xuquuqda aadanaha ee Puntland (OPHRD) ayaa walaac ka muujisay “tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aanaha” oo ku soo badanaya Puntland. Madaxa hay’addaas Maxamed Yuusuf cali oo BBC u warramay ayaa xukuumadda Puntland ku eedeeyey inay ku kacayso “tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha” xilli doorasho la isu diyaarinayo. Wuxuu sheegay in falkii ugu […]

- Advertisement -

Hay’adda difaaca xuquuqda aadanaha ee Puntland (OPHRD) ayaa walaac ka muujisay “tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aanaha” oo ku soo badanaya Puntland.

Madaxa hay’addaas Maxamed Yuusuf cali oo BBC u warramay ayaa xukuumadda Puntland ku eedeeyey inay ku kacayso “tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha” xilli doorasho la isu diyaarinayo.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay in falkii ugu dambeeyey uu ahaa kii Khamiistii lagu xiray magaalada Boosaaso nabadoon C/qadir Xarrago oo ka mid ah isimada Puntland.

Wuxuu kaloo madaxa hay’adda difaaca xuquuqda aadanaha ee Puntland tusaale u soo qaatay dad uusan sheegin tiradooda hase yeeshee uu yiri “waxay lagu xiraa koontaroolka galbeed ee Garowe, ayadoo la yraahdo waxaa looga shakisan yahay argagixiso”.

Maxamed Yuusuf Cali oo BBC ay weydiisay sababta uu hadalkiisa ugu soo aaddiyey xilli Puntland ay doorashooyin ka dhacayaan ayaa sheegay in xafiiskooda “uu dawladda u yahay la taliye, kasoo u sheega wixii u baahan in la toosiyo, laakin hadda ujeedadeennu waa in aan ka sii digno waxyaabaha soo socda”.

- Advertisement -

Wuxuu walaac ka muujiyey arrin uu sheegay in guddiga amnigu ay soo saareen oo ah “in aan hoteellada lagu shiri karin ayadoo aan ogolaansho la haysan”.

Arrintaas ayuu sheegay in ay lid ku tahay xaqa isu imaatinka, gaar ahaan xilli la filayo in murashaxiin ay yimaadaan oo ay ololayaashooda doorasho qabsadaan.

BBC ayaa dhinaca kale la xiriirtay maamulka Puntland si ay fursad ugu siiso inay eedeymahaas ka jawaabaan.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo BBC ay wax ka weydiisay eedeeynta loo jeediyey ayaa ku tilmaamay kuwo waxba kama jiraan ah.

“Wax ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo Puntland cid joogta lagu sameeyo meesheey doonto ha ka timaadee ma garan karo mana maqal” ayuu yiri Mr Qarjab.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sidoo kale ka hadlay xariga nabadoon C/qadir Xarrago oo uu sheegay in sababta loo xiray ay tahay in uu ku hadlay hadlo “qalqal” galin kara xasiloonida Puntland

“Ninkaa nabad doonka ah idaacadaha ayuu ka hadlay wax qalqal galinaya xasiloonida Puntland ama nidamkeeda meel uga dhacaya ayuu ku hadlay,xaq baana loo leeyahay in haddii uu qofka wax aysan shaqdiisa ahayn sameeyo umadda wax u dhimmi karta waa tallaabo in laga qaado sharciga la horkeeno”ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo aan wax ka waydiinay hadalada amniga qalqalka galin kara ee uu nabadoonka ku hadlay ayaa ka gaabsaday in uu sharaxaad ka bixiyo.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa dhanka kale difaacay tallaabada la sheegay in lagu mamnuucay in shirar lagu qabto Huteelada,xilli ay Puntland ku soo fool leedahay doorasho.

Wasiirka ayaa xusay in sababo ammaan darteed loo qaaday talaabadaasi si buu yiri loo sugo amniga islamarkana musharaxiinta ay xaq u leeyihiin in ay shir qabtaan.

“Si loo ogaado koontaroolka ammaankooda oo looga qayb qaato oo dadka intaa dhan oo shirka isugu imanaya aan dhibaato uga imaan masuuliyadeedu dowladda ayay saaran tahay iyo gudiga nabad galyada”ayuu yiri Mr Qarjab.

Bisha Janaayo ayaa lagu wadaa in doorashada madaxweynenimada ee Puntland oo xilligeedii dib uga dhacday lagu qabto magaalada Garowe.

BBC SOMALIA

Latest stories