HomeWararSawirro:-Golaha Aqalka oo ansixiyay Sharci muhiim ah

Sawirro:-Golaha Aqalka oo ansixiyay Sharci muhiim ah

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Waa kalfadhigii 4aad kulankiisa 5aad ee Golaha Aqalka sare oo uu shir guddoominayay Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa looga hadlay Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha iyo samaynta hay’adda maareynta biyaha Qaranka. Senator  Ilyas Cali Xasan Gudoomiyaha Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay heerarka uu hindise sharciyeedkan soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waa kalfadhigii 4aad kulankiisa 5aad ee Golaha Aqalka sare oo uu shir guddoominayay Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa looga hadlay Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha iyo samaynta hay’adda maareynta biyaha Qaranka.

Senator  Ilyas Cali Xasan Gudoomiyaha Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay heerarka uu hindise sharciyeedkan soo maray iyo wax ka badalka lagu sameeyay, isagoo ka codsaday Golaha inay meel mariyaan sharcigan.

- Advertisement -

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Cismaan Libaax Ibraahin ayaa Xildhibaannada Aqalka sare u sheegay in Hindise Sharciyeedka ay ka muuqato in shaqo wanaagsan laga qabtay, waajibkiinana aad ka gudateen, wuxuuna golaha ka codsaday in ay ansixiyaan maadaama Wasaaradda howlo badan uga xayiran yihiin meel marinta sharcigan.

Ugu dambayn  Guddoonka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha iyo samaynta hay’adda maareynta biyaha Qaranka cod la galinayo ,

“Cod gacan taag ah ayaa loo qaaday 29, ayaa ogolaatay ma jirin wax diiday iyo cid ka aamustay sida natiijada uu ku dhawaaqay  Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi

- Advertisement -

Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha iyo Samaynta hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka ayaa horay waxaa u soo ansixiyay Golaha Shacabka BFS, waxaa loo soo gudbiyay golaha aqalka sare oo ansixiyay, waxaana ugu danbayn loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si marka uu saxiixo uu u noqdo sharci rasmi ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts