HomeCaalamkaXaaskii Jamaal Khashoggi oo laashay casuumaad uu Trump u fidiyey

Xaaskii Jamaal Khashoggi oo laashay casuumaad uu Trump u fidiyey

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
Xaaskii Jamaal Khashoggi oo laashay casuumaad uu Trump u fidiyey
Hatice Cengiz waxay hadalkaasi ku sheegay Wareysi ay maanta siisay Telefishinka Turkiga ee Haberturk.
Wareysigooda oo ahaa kii ugu horeeyey tan iyo markii saygeeda la dilay bishan October 2-dii, waxay xustay inaysan aqbali doonin caduumaada uu u fidiyey Donald Trump, ilaa ay Maraykanka daacad ka noqonayaan dadaalka baaritaanka ee dilka saygeeda, Jamaal Khashoggi.
Dhinaca kale, mar wax laga weydiiyey inay Dowladda Sacuudiga la soo xiriireen waxay sheegay inaysan la soo xiriirin, waxayna carrabka ku dhuftay inaysan Sacuudiga tegi
doonin haddii maydka Jamaal Khashoggi lagu aasayo Sacuudiga.
Hatice Cengiz waxay ilmeysiisay inta ay la hadlaysay Telefishinka, kadib, markii wax laga weydiiyey markii uu saygeeda galay dhismaha Qunsulliyada Sacuudiga ee magaalladda Istanbul.
Waxay sheegtay inuusan saygeeda wax shaki ah ka qabin in lagu dhibaateeyo Qunsulliyada lagu dhex dilay.
Ugu dambayn waxay ku baaqday in Baaritaan Caalami ah lagu sameeyo qaabkii loo dilay Jamaal Khashoggi
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories