HomeCaalamkaMaamul Goboleedyada oo sameysanaya Ciidamo gaar ah(Akhriso Ujeedka)

Maamul Goboleedyada oo sameysanaya Ciidamo gaar ah(Akhriso Ujeedka)

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Madaxda Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee ku Shiray Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa ku dhawaaqay inay sameysanayaan Ciidamo gaar ah oo ka Shaqeeya dhinaca amniga. Warmurtiyeedkii ka soo baxay Golaha Iskaashiga ayaa waxaa lagu sheegay in Goluhu uu sameysanayo ciidamu isku-dhaf ah oo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,kuwaas oo gaaraya Afar […]

- Advertisement -

Madaxda Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee ku Shiray Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa ku dhawaaqay inay sameysanayaan Ciidamo gaar ah oo ka Shaqeeya dhinaca amniga.

Warmurtiyeedkii ka soo baxay Golaha Iskaashiga ayaa waxaa lagu sheegay in Goluhu uu sameysanayo ciidamu isku-dhaf ah oo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,kuwaas oo gaaraya Afar Kun oo Askari oo Maamulkiiba laga rabo Kun Askari.

- Advertisement -

Afarta Maamul goboleed ee Golaha Iskaashiga ku midoobay ayaa waxa ay sheegeen in midkiiba mudo laba bil Gudaheed ah laga rabo Kun Askari oo siwadajir ah loo tababaro,isla markaana ay yeeshaan al hoggaan.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa sheegay in Ciidamadaas ay u adeegsan doonaanka xureynta dalka ee Al-Shabaab,maadaama sida uu sheegay ay dowladda Federaalka ka gaabisay dagaalka Al-Shabaab.

Marka laga soo tago Ciidamada ay sheegeen inay dowlad goboleedyada sameysanayaan inay xusid mudan tahay in Maamulada qaar ay wajahaan doorashooyin maadaama waqtiga xilheyntooda uu dhamaaday isbedelna laga rajeynayo.

Latest stories