HomeCaalamkaSawirro:-Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka horumarinta degaanka

Sawirro:-Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka horumarinta degaanka

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya lagu soo gaba-gabeeyay shir looga hadlayay horumarinta degaanka oo uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD.

Kulankan oo Socday muddo Saddex Cisho ah ayaa waxaa ka qayb galay gaba-gabadiisii Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid iyo sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ahna Qunsulka guud ee Safaaradda, Cali Maxamed Sheekh (Bagadi).

- Advertisement -

Ajandaha shirka ayaa ahaa hannaanka maamul wanaagga degaanka Waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD iyo yaraynta dhibaatooyinka ka dhasha Dhulka, waxaana Soomaaliya ku matalayay Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha iyo waraabka.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa sheegay in kulankaasi xoogga lagu saaray ahmiyadda maamul wanaagga Dhulka uu u leeyahay horumarka Waddamada Gobolka, yaraynta mashaakilka ka dhasha iyo qaabka loo dejin lahaa shuruucda ku habboon.

“Waxaa xoogga la saaray ahmiyadda maamul wanaagga Dhulka uu u leeyahay horumarka Waddamadan yaraynta mashaakilka ka dhasha iyo qaabka loo dejin lahaa shuruucda ku habboon” ayuu yiri Wasiir Ciid.

- Advertisement -

Mudane; Ciid, ayaa sidoo kale sheegay in shirku ay kasoo baxeen talooyin aad muhiim u ah, oo lagu xoojinayo ahmiyadda uu leeyahay maamul wanaagga Dhulka, isagoo intaa raaciyay in Dhulku uu si toos ah xiriir ula leeyahay dhinacyada horumarka, degaan wanaagga, Magaalooyinka iyo Beeraha.

Mashruucan oo ay maal-gelintiisu leedahay Dowladda Switzerland, ayaa waxa uu Dalalka Gobolka kasii socon doonaa Muddo Afar Sano ah, kaasoo wax weyn ka tari doono sidii loo horumarin lahaa degaanka Waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

Latest stories