HomeCaalamkaSarkaal ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga oo lagu eedeynayo dilkii Jamaal Khashoggi

Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga oo lagu eedeynayo dilkii Jamaal Khashoggi

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wargeyska The New York Times waxa uu maanta qoray inay Maamulayaasha Sacuudiga dusha u saari doonaan dilkaasi inuu ka dambeeyey Sarreeye Gaas Axmed Al-assiri oo ah La-taliyaha Dhaxal-sugaha Amiir Maxamed Bin Salmaan (MBS). Sarkaalkaasi oo horey u ahaan jirey Afhayeenkii Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga ee duulaanka ku qaadeen Yemen sannadkii 2015-kii ayaa la tilmaamay inuu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wargeyska The New York Times waxa uu maanta qoray inay Maamulayaasha Sacuudiga dusha u saari doonaan dilkaasi inuu ka dambeeyey Sarreeye Gaas Axmed Al-assiri oo ah La-taliyaha Dhaxal-sugaha Amiir Maxamed Bin Salmaan (MBS).

Sarkaalkaasi oo horey u ahaan jirey Afhayeenkii Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga ee duulaanka ku qaadeen Yemen sannadkii 2015-kii ayaa la tilmaamay inuu Amar Afka ka helay Amiir Maxamed Bin Salmaan sidii Saxaafiga Jamaal Khashoggi nolol loogu soo qaban lahaa.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Warbaahinta Turkiga waxay carabaabeen 15 ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga oo ka dambeeyey dilkaas.

Sarkaal lagu magacaabo Mahir C/casiis Mutreb oo ka mid ah Ilaalada Khaaska ee Dhaxal-sugaha Sacuudiga ayaa isagana ka mid ahaa xubnaha Sacuudiga ee ku lugta lahaa dilkaasi.

Muuqaalo la soo bandhigay ayaa muujinaya inuu Sarkaalkaasi ka mid ahaa 15-kii Sirdoonka ee fuliyey dilkaasi oo bishan 2-dii ka dhacay Xarunta Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaallada Istanbul ee dalka Turkiga.

- Advertisement -

Wargeyska the NYT waxa kale oo uu qoray in Jared Kushner oo ah Ergayga Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe inuu ka biyo diidsan in Dhaxal-sugaha Sacuudiga dhabarka loo saaro mas’uuliyada dilkaasi.

Jared Kushner oo ay u dhaxdo gabadha Madaxweyne Trump waxa uu ku baaqay inaan Dhaxal-sugaha si toos ah loogu eedeynin dilkii Jamaal Khashoggi oo ahaa Saxafi aad u mucaaridi jirey Madaxda Sacuudiga, gaar ahaan Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan (MBS).

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts