HomeWararSawirro:-Halkee ayuu marayaa dhismaha Tiyaatarka Qaranka?

Sawirro:-Halkee ayuu marayaa dhismaha Tiyaatarka Qaranka?

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Waxaa meel wanaagsan maraya dib u dhiska iyo dayac-tirka golaha murtida iyo wacyi gelinta Qaranka Soomaaliyeed oo dhawaan la billaabay. Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka, Cusmaan Cabdullaahi Guure, ayaa sheegay in haatan dib u dayac-tirka lagu sameeyay qaar kamid ah Xafiisyadii lagu shaqeyn jiray, sidoo kalena ay xigi doonto dhammaystirka inta ka dhimman, oo ay soo laabato […]

- Advertisement -

Waxaa meel wanaagsan maraya dib u dhiska iyo dayac-tirka golaha murtida iyo wacyi gelinta Qaranka Soomaaliyeed oo dhawaan la billaabay.

Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka, Cusmaan Cabdullaahi Guure, ayaa sheegay in haatan dib u dayac-tirka lagu sameeyay qaar kamid ah Xafiisyadii lagu shaqeyn jiray, sidoo kalena ay xigi doonto dhammaystirka inta ka dhimman, oo ay soo laabato bilidii iyo quruxdii ay Ummadda Soomaaliyeed ku garan jireen.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay Maareeyuhu inay isku tashan doonaan, kuna dhisi doonaan Tiyaatarka Qaranka Barnaamijka Is-xilqaan, sidii ay Madaxda Soomaaliyeed horay u sheegeen, haddii uu Caalamka ku garab istaagana ay soo dhoweynayaan.

“Madaxda Qaranku waxay ballan qaadeen in Tiyaatarka dacay-tirkiisu la billaabayo, Soomaaliduna ay isku tashato marka koobaad, ka dibna Adduunka ciddii la na caawineysa ma diideyno” ayuu yiri Maareeyuhu.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dhawaan  Dhagax dhigay dib u dayar-tirka iyo dhismaha Tiyaatarka Qaranka, wuxuuna sheegay in muddo Sagaal Bil gudahood ah lagu dhisi doono Barnaamijka is-xilqaan.

- Advertisement -

SONNA.SO

Latest stories