HomeWararDowladda Somalia oo Caafimaad dibada ah ah u balan qaaday dad ku...

Dowladda Somalia oo Caafimaad dibada ah ah u balan qaaday dad ku dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa booqday Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer oo ay ku jiraan qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii argagixi 13-kii Bishan ka dhacay Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay booqashadiisu ku wehliyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dalka ayaa waxa ay booqdeen qeybaha Isbitaalka ee dhaawacyada lagu daweynaayo.

- Advertisement -

Waxa uu  sidoo kale kulan ay la qaateen maamulka iyo dhaqaatiirta isbitaalka oo ay guddoomiyaha faah faahin ka siiyeen tirada bukaanada Isitaalka Jiifa sida ay u kala daranyihiin iyo hadda xaaladooda sida ay tahay.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kormeerka kadib gudaha Isbitaalka Warbaahinta Qaranka kula hadlay ayaa u mahad celiyay maamulka,dhaqaatiirta iyo sidoo kale howl wadeenada Isbitaalka sida ay ula tacaalayaan dhammaan bukaanada Isbitaalka ku jira .

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay Qaraxyadii ugu dambeeyay ee argagka dhacay Magaalada baydhabo ee hadda isbitaalka lagu daweynayo kuwooda xaaladooda gudaha dalka aan waxba looga qaban Karin in Dowladda Soomaaliya caafimaada dibada ah ay u  qaadi doonto.

- Advertisement -

Bukaanada ku jira Isbitaalka Digfeer ayaa waxaa ku jira qaar ka mid ah dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxyadii dhawaan Al-Shabaab ka geysteen Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories