HomeCaalamkaGuddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo la kulmay Wafdi ka socda Midowga Yurub

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo la kulmay Wafdi ka socda Midowga Yurub

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Guddoonka Golaha Aqalka sare iyo Guddiga joogtada ah ee Golaha ayaa si wada jir ah maanta xarunta Golaha Aqalka sare ugu qaabilay Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hoggaaminayey agaasimaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta Midowga Yurub Mr Stefano Manservisi.

Kullanka oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa looga hadlay sidii shuruucda iyo horumarinta looga taageeri lahaa Golaha Aqalka sare.

- Advertisement -

Agaasimaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta Midowga Yurub Mr. Stefano Manservisi ayaa ammaanay horumarka dalka ka socda gaar ahaan dadaalada xubnaha Aqalka sare ee ku aadan dastuurka dalka,Federaaleynta iyo adkeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada.

“ Waan ku faraxsanahay dadaalada ay wadaan Aqalka sare,waxaan saaxiib dhow la nahay Soomaaliya,madaxdeeda guud ahaan iyo Dowladda dhexe,waxaana gacan ka siineynaa guud ahaan dadaalada ay wadaan,” ayuu yiri Agaasime Mr. Stefano Manservisi.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa Midowga Yurub uga mahad celiyay dowrka ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo horumarka dalka.

- Advertisement -

“ Waxay nagala hadleen xaaladda hadda jirta,waxayna keeneen dalka lacag kaalmo ah oo gaareysa boqol Milyan,waxaana kale oo ay nagala hadleen dib u heshiisiinta aynu wadno,taanna waxaa weeye warbixin yar beyni ka siinay iney noo socoto,arrimahaasi ayaan ka wada hadalnay,” ayuu yiri Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi.

Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare ayaa dardar gelinaya howlaha muhiimka ah ee horyaala ka hor intaan la gaarin munaasabada furitaanka kalafadhiga afaraad ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Latest stories