HomeWararSawirro:-Ciidamada Xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah

Sawirro:-Ciidamada Xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Qeybta 43-aad iyo Ciidanka Jubbaland ayaa maanta waxa ay weerar  ku qaadeen tuulooyin hoostaga Dagmada Jamaame, tuulada kawan oo  u dhow deegaanka Araare ee Gobolka Jubada Hoose. Deegaanka Kawan oo ay isku Uruursanayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa weerar xoogan ku qaaday Taliska Qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo […]

- Advertisement -

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Qeybta 43-aad iyo Ciidanka Jubbaland ayaa maanta waxa ay weerar  ku qaadeen tuulooyin hoostaga Dagmada Jamaame, tuulada kawan oo  u dhow deegaanka Araare ee Gobolka Jubada Hoose.

Deegaanka Kawan oo ay isku Uruursanayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa weerar xoogan ku qaaday Taliska Qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubabland,waxaana weerarka ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinac ah.

- Advertisement -

Taliska Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Al-shabaab ay kala wareegeen tuulada kawan,isla markaana Khasaaro ay gaarsiiyeen haddana ay gacanta ku hayaan deegaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

Sidoo kale Taliska waxaa uu sheegay in Al-shabaab dagaalkii Maanta ay ku gaarsiiyeen Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayna dagaalka uga qabsadeen qoryo gaaraya Sadex Qore ah AK47.

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Ahna kusimaha Taliyaha Qeybta 43aad ee Ciidanka Xogga Dalka Somaaliyeed Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal  oo ayaa sheegay in Dagaalkaas Al-shabaab looga Saaray Tuulada Kawan oo Hoostagta Dagmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories