HomeWararPuntland oo shaacisay sababtii ay u joojiyeen shirkii uu Garoowe ku qaban...

Puntland oo shaacisay sababtii ay u joojiyeen shirkii uu Garoowe ku qaban lahaa Wasiirka Qorsheynta

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Gelinkii dambe ee Maanta oo Axad aheyd ayaa waxaa Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal shir ku qaban lahaa Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo Maanta Garoowe loogu doortay Xubin Baarlamaan,balse Maamulka Puntland uu joojiyay. Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb geli lahaa Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey iyo Cabdiqani […]

- Advertisement -

Gelinkii dambe ee Maanta oo Axad aheyd ayaa waxaa Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal shir ku qaban lahaa Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo Maanta Garoowe loogu doortay Xubin Baarlamaan,balse Maamulka Puntland uu joojiyay.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb geli lahaa Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey iyo Cabdiqani Cabdi Jaamac oo Wasiir kasoo noqday Jubbaland, balse hadda ah lataliyaha Ra’iisul Wasaare Kheyre.

- Advertisement -

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ku sheegay sababta ay u joojiyeen shirkaas in weli xiriirkii Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid go’an oo aan wanaagsaneyn.

Kulanka oo uu ka qeyb geli lahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa waxa uu ahaa mid ah su’aalo ku weydiin lahaayeen ardayda jaamacadaha Puntland,iyada oo lagu qaban lahaa Jaamacada PSU.

Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan weli dahnkiisa kama hadlin qorshaha Puntland ay ku joojisay kulankaas.

Latest stories