HomeWararDhageyso:-Jubbaland oo kulan deg deg ah ka yeelatay howlgallo ay fuliyeen Ciidamada...

Dhageyso:-Jubbaland oo kulan deg deg ah ka yeelatay howlgallo ay fuliyeen Ciidamada Daraawiishta+Sawirro

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka jubbada Hoose waxaa Maanta ka qabsoomay shir deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Amniga Jubbaland kaas oo intiisa badan looga hadlay xaalada amni ee deegaanada Maamulkaas. Kulanka waxaa Shir guddoomiyey gudoomiyay Madaxweyne ku xigeenka 1,aad ee dowlad goboleedka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan,iyada oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha […]

- Advertisement -

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka jubbada Hoose waxaa Maanta ka qabsoomay shir deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Amniga Jubbaland kaas oo intiisa badan looga hadlay xaalada amni ee deegaanada Maamulkaas.

Kulanka waxaa Shir guddoomiyey gudoomiyay Madaxweyne ku xigeenka 1,aad ee dowlad goboleedka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan,iyada oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha Amniga Maamulka Jubbaland.

- Advertisement -

Intii uu socday kulanka ayaa marka hore waxaa lagu sheegay inay Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland mudan yihiin amaan,kadib markii howlgallo ay sameeyeen ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaano ay maamulayeen.

La taliyaha Madaxweynaha dhinaca Amaanka G/Cabdi Mahdi C/Salaam ayaa gabagadii kulanka ka hadlay,waxana uu sheegay in Ciidamada Jubbaland ay guulo waaweyn ka soo hooyeen dagaaladii ay la galeen Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in intii ay socdeen howlgallada ay Ciidamada Daraawiishta Jubbaland la wareegeen deegaanada Fagaan,Araare iyo deegaano kale.

- Advertisement -

Latest stories