HomeMaqalDhageyso:-Madaxda Dowladda oo xisbi Cusub ku dhawaaqeysa & Ra'iisul Wasaare ku xigeenka...

Dhageyso:-Madaxda Dowladda oo xisbi Cusub ku dhawaaqeysa & Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo ka hadlay

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta oo Talaado ah waxa uu tagay Xarunta Guddiga Madaxa banaan ee doorashaooyinka Qaranka,isaga oo halkaasi ka soo qaatay Xeerka Asxaabta Siyaasada iyo shuruudaha diiwaangelinta Xisbiyada. Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka xafiiska guddiga uu u tagay inay tahay […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta oo Talaado ah waxa uu tagay Xarunta Guddiga Madaxa banaan ee doorashaooyinka Qaranka,isaga oo halkaasi ka soo qaatay Xeerka Asxaabta Siyaasada iyo shuruudaha diiwaangelinta Xisbiyada.

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka xafiiska guddiga uu u tagay inay tahay inuu ka soo qaato Xeer Asxaabta Siyaasada iyo shuruudaha diiwaangelinta Xisbiyada,isaga oo matalaya xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in dhammaan shuruudaha looga baahan yahay xisbiga isdiiwaangelinaya lagu soo wareejiyey,isla markaana iyaga oo u hoggaansamaya sharciga in Xisbiga dhawaan ay dhisaneyso xukuumadda Soomaaliya sharcigaan lagu saleyn doono.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa horay si KMG ah ugu diiwaangeliyey 22 Xisbi siyaasadeed,kuwaas oo maray habraacii isdiiwangelinta iyo shuruudaha loo baahan yahay in la fuliyo ee ku cad buugga hagaha Xisbiyada iyo siyaasada.

Latest stories