HomeWararSawirro:-Madaxweynaha Puntland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Dowladda Sweden

Sawirro:-Madaxweynaha Puntland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Dowladda Sweden

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe 1 October 2018 qasriga madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay  Danjiraha Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Ambassador AndreasVon Vexkull.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland.

Kulankan uu Madaxweynaha Puntland laqaatay Danjiraha wadanka Sweden u fadhiya Soomaliya, ayaa looga hadlay mashaaricaha ay ka fuliso Dowladda Sweden Puntland oo ay fududayso Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa sida brnaamijyada caafimaadka iyo horumarinta haweenka.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wefdiga ku soo dhoweeyay madaxtooyada, ayaa soo dhowaynta kadib uga xog waramay xaalada guud ee Soomaaliya iyo horumarka baaxada leh ee kasocda Puntland.

Ambassador AndreasVon Vexkull ayaa Puntland uga mahad celiyey wada shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa dawladiisa, sidoo kalena uga hambalyeeyey horumarka baaxda leh ay ku tilaabsatay Puntland shantii sano ee ugu danbeysay iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadatay geedi socodka nabada Soomaaliya, taabagelinta dimuquraadiayada iyo xal uhelida isu dheelitirka xuquuqda raga iyo dumarka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey Danjiraha booqashada uu ku yimi Puntland, sidoo kalena dowlada Sweden uga mahad naqay Danjire Ambassador AndreasVon Vexkull, Mashaarica horumarineed ee ay dawladiisu ka fuliso Sweden Puntland.

Ugu danbeyn, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah Wasiir Shire Xaaji Faarax oo shirka kadib ka warbixiyey waxyaabihii looga wada hadlay ayaa waxaa hadaldiisa kamid ahaa”

“Galabtay waxaan qasriga Madaxtooyada Puntland kula shirney Safiirka Dowladda Sweden oo ah saaxiib Dowladda Soomaaliya iyo Puntland oo ah Dowladaha aadka u caawiya Soomaaliya ay Puntland tahay meelaha ay aadka wax uga qabtaan, berina waxaan leenahay shir aad u balaadhan oo aan ku qabanayno xarunta cilmi baarista ee PDRC oo lagu soo bandhigayo buug la yiraahdo (Gender Biglet) isku dheeli tirka lab iyo dhadiga kasoo wax badan looga hadli doono aadna akhrisan doontaan”

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories