HomeCaalamkaWasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo la kulmay Wafdi ka socda Bankiga Adduunka

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo la kulmay Wafdi ka socda Bankiga Adduunka

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa Xafiiskiisa ku qaabilsay wafdi ka socda Bankiga Adduunka oo uu hoggaaminayay Niraj Varma oo ah mas’uulka Bariga Africa ee mashaariicda Maaliyadda iyo Teknoolojiyada.

Wafdiga iyo Wasiirka ayaa waxa ay kawada hadleen sidii uga wada shaqeyn lahayn horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada Soomaaliya iyo sidoo kale waxyaabaha laga baran karo qorsheynta iyo fulinta mashruucii taakuleynta ICT ee soo socday 2014-2018.

- Advertisement -

Wasiir Cabdi Canshuur ayaa sheegay in ay la wadaageen in markan mashaariicda Bankiga Adduunka lagu saleeyo baahida dalka iyo dadka, balse aysan noqon sidii kuwii hore ee kor laga soo go’aamin jiray oo aan inta badan laga fekeri jirin sida ay ku sii baahida loo qabo iyo sida uu ku sii socon karo.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay isla garteen in shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed ay leeyihiin cidda go’aamineysa waxa lala qabanayo, Bankiga Adduunkana laga doonayo inuu dalabkaas ka eego inuu waafaqsan yahay hawlaha ay u igman yihiin iyo inay miisaaniyad u hayaan.

Latest stories