HomeWararMadaxweyne Erdogan oo xarigga ka jaray Masaajid weyn oo laga dhisay dalka...

Madaxweyne Erdogan oo xarigga ka jaray Masaajid weyn oo laga dhisay dalka Jarmalka

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqashada rasmiga uu ku marayey dalka Jarmalka ku soo afmeeray xarig ka jaridda mid ka mid ah masaajidda ugu weyn qaaradda Yurub oo laga dhisay dalka Jarmalka. Wuxuuna Madaweyne Edrdogan sheegay masaajidkan laga dhisay magaalada Cologne inuu astaan u yahay nabadda, isaga oo uga mahadceliyey dowladda Jarmalka sida ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqashada rasmiga uu ku marayey dalka Jarmalka ku soo afmeeray xarig ka jaridda mid ka mid ah masaajidda ugu weyn qaaradda Yurub oo laga dhisay dalka Jarmalka.

Wuxuuna Madaweyne Edrdogan sheegay masaajidkan laga dhisay magaalada Cologne inuu astaan u yahay nabadda, isaga oo uga mahadceliyey dowladda Jarmalka sida ay u oggolaatay inuu dhismaha msaajidka istaagin iyada oo ay socdeen mudaharaadyo looga soo horjeeday dhismaha masaajidka.

- Advertisement -

Ciidamada boolis oo tira badan ayaa laga howl geliyey xilli uu booqanayey magaalada Cologne oo ah magaala ay ku nool yihiin dad tira badan oo Turkiga u dhashay.

Booqashada seddexda maalmood ee uu ku joogay Jarmalka oo ahayd mid uu muran badan ka dhashay, wuxuu Erdogan khudbadihiisa si kulul ugu cambaareynayey waddanka Jarmalka uu martida u ahaa.

Dalka Jarmalka waxaa ku nool qurbajoog aad u xooggan oo ka badan 3 milyan oo qof oo u dhalatay dalka Turkiga.

- Advertisement -

Taageerayaasha iyo dadka ka soo horjeedaba waxay Sabtida isugu yimaaddeen magaalada Cologne.
Waxayna maamulka magaalada ay ka noqdeen qorshihi la filayey ee ahaa iney dad gaaray 25,000 oo qof iney isugu yimaaddaan xafladda masaajidka lagu furayey iyaga oo ka cabsaday iney halkaasi amni darro ka dhacdo.

Masaajidka weyn ee laga dhisay magaalada Cologne waxaa dhistay koox diinta Islaamka u dhaqdhaqaaqda oo xiriir dhaw la leh dowladda Turkiga.

Ujeeddada booqashada rasmiga ah uu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku soo maray Jarmalka ayaa lagu sheegay iny ahayd in xal loo helo xiriirka labada dal oo bilihi ugu dambeeyey sii xumaanayey.

Wuxuuna Edrogan sheegay “inuu doonayo xurgufta labada dal u dhaxeysa iney soo afjaranto waxa aan ku kala duwannahay oo halkooda ah inaan danaha aan ka mideysannahay aan ka wada shaqeyno.”

Booqashadana sida oo kale waxaan kaga wadahadalnay ayuu yiri sida aan uga kala duwannahay afgambigi Militari ee dhicisoobay oo Turkiga ka dhacay 2016-kii.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxay sheegtay madaxweyne Erdogan khudbad uu habennimadi jimcihi ka jeediyey uu ku sheegay “inuu yahay dal argagixisada qariya”.

Wargeyska Bild oo ka mid ah kuwa ugu caansan jarmalka ayaa wuxuu boggiisa hore uu ku soo daabacay “Khudbadda Erdogan iney ahayd mid uu ku muujiyey naceybka uu Jarmalka uu u qabo isla-markaana cambaareyn kulul uu ugu soo jeediyey”.

Isla Jimcihina Madaxweyne Erdogan iyo Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Markel waxay ka wada hadleen dagaalka Suuriya ka socda.

Guddoomiyaha guddiga joogtada ee arrimaha dibadda ee baarlaamanka Jarmalka Norbert Roettgen, ayaa wuxuu wargeyska Funke uu u sheegay “xilliga ay booqashada madaxweynaha ku soo beegantay ay ahayd mid khaldan, xilli horana ay booqashada ku habbooneyd.”

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts