HomeCaalamkaAkhriso:-Nuxurka Khudbaddii Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia ee Shirka Qaramada Midoobay

Akhriso:-Nuxurka Khudbaddii Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia ee Shirka Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad oo Khudbad ka jeediyay shirka Golaha guud ee QM ayaa diiradda ku saarray horumarada nabadgelyada, siyaasadda iyo dhaqaalaha oo Dowladda Federaalka ay ka guul keentay, isagoo ugu baaqay Golaha Ammaanka in cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya uu ka qaado.

“Anigoo ku hadlaya magaca madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya farxad ayay ii tahay in aan khudbad ka jeediyo Golaha hortooda,maamulkeena haatan waxaa u buuxsantay sanad iyo bar waxaana ku faraxsanahay in dowladdu ay wax badan u qabsoomeen dhinacyada ammaanka,dhaqaalaha,siyaasadda iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab”. Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu xoogga saarayo dhismaha iyo xoojinta cududa ciidan ee dalka uu leeyahay,silooga guuleystoo qatarta Alshabaab,wuxuuna ka hadlay aragtida laga qabo fikirka xagjirnimada ah ee Alshabaab.

“Dhalinyarada haatan kuma biirayaan alshabaab,maxaayeelay fikirka qaldan wax sii soconaayo ma ahan,dowladda Soomaaliya waxaa ay qaadaysay talaabooyinka wacyigelin ah oo bulshada dhexdeeda ah,sida culimaa’udiinka,haweenka,dhalinyarada waxgaradka,si meel looga soo wada jeesto fikirka qaldan ee xagjirnimada ku dhisan oo ay aaminsanyihiin Alshabaab”. Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Mudane Axmed Ciise Cawad wasiirka arrimaha dibadadda ee Soomaaliya oo khudbadiisa sii wata ayaa golaha loo dhanyahay ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa u sheegay in ay jiraan xubno badan oo ka tirsan Alshabaab oo ay ku jiraan madax sar sare,kuwaasi oo ka faa’idaystay cafiskii ay dowladda Soomaaliya u fidisay,wuxuuna xusay in ay si nabad ah ay isku soo dhiibeen.

- Advertisement -

Mar uu ka hadlayay arrimaha la xiriira baahiyaha loo qabo in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ah ayuu sheegay wasiir cawada in taasi ay ka caawinayso dowladda Soomaaliya in ay ka guuleysato cawdowga,awoodda dowladduna ay sare marayso si loo xoojiyo gulufka ka dhanka ah ALshabaab.

Golaha loo dhanyahay ee QM ayuu ka dalbaday in Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka ah ee saran dalka,si looga gudbo dhibaatooyinka amniga ah loona kordhiyo cududa ciidan ee dalka uu leeyahay,taasi oo sahlikarta buu yiri in Alshabaabka Soomaaliya looga adkaankaro.

Geesta kale wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa u hambalyeeyey Dalka Equator oo sanadkan haaya hoggaanka golaha loo dhanyahay ee QM.

Wuxuu ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay dhulgariirkii xooganaa ee ku dhuftay Jasiirada kutaala dalka Indonesia.

“Anigoo ku hadlayay maga dowladad Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed,waxaan ka tacsiyadeynayaa dadkii ku dhintay musiibadii ka dhalatay dhulgariirkii ku dhuftay Dalka Indonesia,

Latest stories