HomeCaalamkaSawirro:-Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta oo la kulmay Masuul ka tirsan Turkiga

Sawirro:-Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta oo la kulmay Masuul ka tirsan Turkiga

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Mudane Xildhibaan Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa marka hore ka mahadceliyay soo dhawaynta loo sameeyay isaga & wafdigiisa waxuuna xusay taariikhda lama ilaabaanka ah ee Dadka iyo Dalka Turkigu ku leeyihiin quluubta shacabka Soomaaliyeed.

Dr. Cali Irbaash Madaxa Arrimaha Diinta Dalka Turkiga ayaa xusay muhiimadda ay leedahay booqashada Wasiirka uu ku joogo Dalka Turkiga isagoo sheegay inay muhiim tahay in la iska kaashado dhanka horumarinta Barashada Diinta Islaamka.

- Advertisement -

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xildhibaan Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa dhankiisa soo dhaweeyay iskaashi ku dhisan danaha labada Dal oo dhaxmara Soomaaliya iyo Turkiga.

“ Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinaynaa isbarbar taagga iyo hiilka uu markasta noo hayo Turkiga, anaga oo ka faa’idaysan doono fursadaha iskaashi dhanka horumarinta Barashada Diinta & Horumarinta Xarumaha Barashada Diinta, waxaana mustaqbalka balaarin doonaa xiriirka iskaashi” ayuu yiri wasiir Xildhibaan sheikh Nur Mohamed Hassan.

Ugu damabayn, Wasiir Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa xusay inay muhiim tahay in Soomaaliya laga caawiyo horumarinta xarumaha barashada Diinta iyo Tababaridda Imaamyada, Khadiibyada, macalimiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

- Advertisement -

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories