HomeWararWasiirka Gaashandhigga & Taliyeyaasha Ciidamada oo hortagaya Guddiga difaaca...

Wasiirka Gaashandhigga & Taliyeyaasha Ciidamada oo hortagaya Guddiga difaaca…

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Maanta ayaa la filayaa inay kulan ku yeeshaan Magalada Muqdisho Guddiga difaaca Golaha Shacabka Soomaaliya iyaga oo ka hadli doona dhibaatoyinka ay Ciidamada dowladda u geystaan dadka rayidka ah. Guddiga ayaa waxa ay u yeereen oo Maanta hortagaya Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo dhammaan taliyeyaasha Ciidamada dowladda federaalka maadaama dilal farabadan ay todobaadkii la soo dhagay […]

- Advertisement -

Maanta ayaa la filayaa inay kulan ku yeeshaan Magalada Muqdisho Guddiga difaaca Golaha Shacabka Soomaaliya iyaga oo ka hadli doona dhibaatoyinka ay Ciidamada dowladda u geystaan dadka rayidka ah.

Guddiga ayaa waxa ay u yeereen oo Maanta hortagaya Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo dhammaan taliyeyaasha Ciidamada dowladda federaalka maadaama dilal farabadan ay todobaadkii la soo dhagay ay geysteen Ciidamada dowladda.

- Advertisement -

Xoghayaha Guddiga difaaca Golaha Shacabka Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa sheegay inay Wasiirka iyo taliyeyaasha su’aalo dhowr ah ka weeydikn doonaan dhibaatoyinka soo laab laabtay oo ay geystaan ciidamada dowladda.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa ciidamada dowladda waxa ay Magalada Muqdisho ku deen Gabar 9 Sano jir aheyd kana mid aheyd Ardayda Iskuulka Hoyga Xamar iyo Dayax Iimaan oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir,waxaana sidoo kale ay horay u dileen dhalinyarada ku Shaqeysa Mooto Bajaajta.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dhowr mar go’aamiyey in Ciidamada hubka waaweyn ee faraha badan ku dhex wata Magalada Muqdisho balse taasi aysan dhaqan gelin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories