HomeCaalamkaIsbitaalada Waqooyi Bari Kenya oo noqday furinta hore ee dagaalka Al-Shabaab

Isbitaalada Waqooyi Bari Kenya oo noqday furinta hore ee dagaalka Al-Shabaab

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Taliska ciidamada milateriga ee dalka Kenya ayaa amar ku bixiyay in isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee ku yaalla Gobolka Waqooyi-bari iyo gobolka xeebta ee dalkaas aysan daaweynin dadka qaba dhaawacyada rasaasta. Saraakiisha ayaa ka dalbaday masuuliyiinta isbitaallada iyo shacabkaba iney sida ugu dhaqsiyaha badan booliska ugu war geliyaan marka ay la kulmaan dad dhaawacyada noocaas […]

- Advertisement -

Taliska ciidamada milateriga ee dalka Kenya ayaa amar ku bixiyay in isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee ku yaalla Gobolka Waqooyi-bari iyo gobolka xeebta ee dalkaas aysan daaweynin dadka qaba dhaawacyada rasaasta.

Saraakiisha ayaa ka dalbaday masuuliyiinta isbitaallada iyo shacabkaba iney sida ugu dhaqsiyaha badan booliska ugu war geliyaan marka ay la kulmaan dad dhaawacyada noocaas ah ay ku yaallaan.

- Advertisement -

Maamul goboleedyada Garissa, Tana River iyo Lamu ayaa si weyn loogu boorriyay iney isha ku hayaan bukaannada tagaya isbitaallada.

Booliska ayaa ka shakisan in xubno ka tirsan al-Shabaab oo ay dhaawacyo ka soo gaareen dagaallo dhex maray iyaga iyo ciidanka Kenya, oo ay ku dhuumaaleysanayaan deegaanka, ayna gargaar caafimaad u doonanayaan isbitaallada maxalliga ah.

Al-Shabaab ayaa weerarro abaabulan ka fulisa meelo ka mid ah gobolka, iyadoo ciidamada milatarigana ay wadaan howlgallo ka dhan ah oo lagu bartilmaameedsanayo fariisimahooda.

- Advertisement -

Si kastaba ma ahan  markii ugu horreysay ee ay masuuliyiinta ciidanka Kenya codsadaan in lagu soo war galiyo dadka xarumaha caafimaadka u taga in lagu dabiibo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories