HomeCaalamkaWasaaradda Arrimaha Dibada oo cadeysay sababta Madaxweynaha ugu baaqday Shirka Guud ee...

Wasaaradda Arrimaha Dibada oo cadeysay sababta Madaxweynaha ugu baaqday Shirka Guud ee QM

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii labaad ka baaqday shir weynaha guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York ka socda. Baraha bulshada ayaa la isku weydiinayaa sababta uu madaxweynaha markii labaad uga baaqanaayo shirka, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in madaxweynuhu uu haysto baasaboor Mareykan ah, sidaasi darteedna uu u baaqday. Sharciga dalka Mareykanka ma oggola […]

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii labaad ka baaqday shir weynaha guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York ka socda.

Baraha bulshada ayaa la isku weydiinayaa sababta uu madaxweynaha markii labaad uga baaqanaayo shirka, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in madaxweynuhu uu haysto baasaboor Mareykan ah, sidaasi darteedna uu u baaqday.

- Advertisement -

Sharciga dalka Mareykanka ma oggola in qof haysta baasaboorkooda uu dalkaasi tego isagoo adeegsanayo baasaboor dal kale.

Balse wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, oo shirkaasi ku matalaya dowladdiisa ayaa BBC u sheegay in madaxweynaha uu u kala hormariyo howlaha u yaalla sida ay u kala muhiimsan yihiin.

”In madaxweynaha uu shirka ka baaqdo qasab ma ahan inay sabab yeelato, laakin waxay noqon kartaa inuu arrimo ka muhiimsan tagitaankiisa New York waqtigan la joogo ay jiraan, marka in la’is weydiiyo oo lala yaabo ma’aha. Madaxweynaha ayaa qiimeeya sida ay u kala horreeyaan, una kala muhiimsan yihiin howlaha uu qabanaayo, waana dhaqan adduunka ka jira, wax Soomaaliya kaliya u gaar ah ma aha” ayuu yiri wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

- Advertisement -

Dr Ibrahim Bursalid oo ka faalooda arrimaha caalamka, oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo loo sababayn karo arrintan.

”Walow aanan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa in madaxweynaha uusan aadin shirkaasi muhiimka ah marki labaad, waxaan garaneynin in madaxweynahu ay ka tahay biseyl odaynimo iyo in ay ka tahay quud-darreyn uu quud-darreynaayo dhalashadiisa mareykanka.”

Dad badan oo falanqeeya arrimahan ayaa sheegaya in madaxweynuhu uusan rabin inuu wareejiyo basaboorkiisa Mareykanka, uuna masaalixda Soomaalida ka ka doorbidaayo baasaboorka.

Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo isna ka faalooda arrimaha caalamka ayaa dhankiisa qaba in labo mid uun ay tahay.

”In madaxweynaha uu waayay wax uu la hor tago shirka, maadaama amniga dalka aan horumar laga samaynin, dowlad goboleedyadana ay is khilaafsan yihiin. Waxaa laga yabaa in uu is leeyahay tan xalli, ka dibna shirarka xiga ee Qaramada Midoobay ka qeyb qaado, adigoo haysta wax cad oo muuqda. Waxaa kale oo suurta gal in uusan dooneynin inuu wareejiyo baasaboorkiisa Mareykanka madaama waqti yar ay u hartay uusanna hubin in uu mar labaad soo laaban doono iyo in kale.” ayuu yiri Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Balse Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inaysan jirin wararkaasi oo dhan, falanqeeyayaashuna ay fiicnaan lahayd shaqo kale inay ku mashquulaan.

”Farmaajo madaxweyne Mareykan ma aha, waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Xeel dheerayaasha sheegaaya in labo madaxweyne oo Mareykan aysan hal mar wada joogi karin Mareykanka waa kuwa aan aad u xeeldheereyn, madaxweynuhu waa uu imaan karaa Mareykanka laakiin go’aanka isaga ayaa iska leh, mana haboonna in la yiraahdo maxaad u tagi waysay.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan sheegay in sababta uu shirka Qaramada Midoobay uga qeyb gali waayay ay tahay maadaama uu ku mashquulsan yahay xallinta khilaafka maamul goboleedka Galmudug, balse masaalix badan oo hadii madaxweynaha uu tago shirkaasi u hirgali lahaa Soomaaliya ayaa u muuqda hadda in ay meesha ka bexeen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories