HomeCaalamkaWiil uu dhalay Madaxweyne oo Xabsiga la dhigay

Wiil uu dhalay Madaxweyne oo Xabsiga la dhigay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Masuuliyiin dalka Brazil ayaa gacanta ku dhigtay 16 milyan oo doolarka Maraykanka ah iyo saacado qaali ah oo ay wateen ergo la socotay wiil uu dhalay madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Teodorin Obiang oo ah madaxweyne ku xigeenka dalka Equatorial Guinea isla markaasna ah wiil uu dhalay madaxweynaha […]

- Advertisement -

Masuuliyiin dalka Brazil ayaa gacanta ku dhigtay 16 milyan oo doolarka Maraykanka ah iyo saacado qaali ah oo ay wateen ergo la socotay wiil uu dhalay madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Teodorin Obiang oo ah madaxweyne ku xigeenka dalka Equatorial Guinea isla markaasna ah wiil uu dhalay madaxweynaha wakhtiga dheer ka arrimiya dalkaas ayaa ku safray diyaarad khaas ah Jimcihii, sida ay wararku sheegayaan.

- Advertisement -

Lacagta iyo saacadaha ayaa la sheegay in laga helay boorsooyinka ergada oo ka dagay garoonka Viracopos International Airport ee magaalada Sao Paulo.

Booliiska ayaa lacag 1.5 milyan oo doolar ku dhaw ka helay boorso mid kalana ka helay saacado lagu qiimeeyay 15 milyan oo doolar, sida uu bartiisa internetka ku qoray wargeyska O Estado de Sao Paulo oo ah mid aad loo ixtiraamo.

Dublamaasiyiin Equatorial Guinea u dhashay ayuuna ka soo xigtay in lacagtaas loo adeegsan lahaa in Obiang uu iskaga daweeyo magaalada Sao Paulo.

- Advertisement -

Saacadahaas ayaa la sheegay in uu isagu “shaqsiyan u isticmaalo” sida warbixintaas lagu sheegay.

Sannadkii hore ayay maxkamad Faransiiska ku taalla Obiang ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah oo uu mudan doono haddii uu dambi kale galo, maxkamadda ayaana xukunkaas ridday isaga oo maqan.

Hantidiisa ayaa la fariisin doonaa oo ay ka mid tahay guri uu ku leeyahay magaalada Paris, sidoo kalana waxaa lagu xukumay 35 milyan oo doolar oo ganaax ah oo laga qaadi doono haddii uu dambi kale galo.

Telefeshinka Globo oo ah midka ugu afdheer dalka Brazil ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka oo kali ah uu yahay qofka xasaanadda dublamaasi leh maadaama oo dadka la socday aysan Brazil ku tagin safar rasmi ah.

Marka la fiiriyo qaanuunka dalka Brazil waa sharci darro in qof uu dalkaas la galo wax ka badan $2,400 oo caddaan ah.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Obiang ama dawladda Equatorial Guinea.

Latest stories