HomeWararWar-saxaafadeed:-“Save the Children sare haloo qaado dedaallada”

War-saxaafadeed:-“Save the Children sare haloo qaado dedaallada”

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Save the Children waxa ay ugu baaqeysaa dowladda Somaliya, bulshada rayidka ah iyo jilayaasha kale ee mujtamaca tallaabo degdeg ah si sare loogu qaado dedaallada carruurta, gaar ahaan hablaha, looga difaacayo nooc kasta xadgudubyada iyo ku dhaqanka caadooyinka dhibaatada horseeda oo uu ka mid yahay gudniinka Fircooniga ah (FGM). Baaqa ayaa ku soo aadaya kadib […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Save the Children waxa ay ugu baaqeysaa dowladda Somaliya, bulshada rayidka ah iyo jilayaasha kale ee mujtamaca tallaabo degdeg ah si sare loogu qaado dedaallada carruurta, gaar ahaan hablaha, looga difaacayo nooc kasta xadgudubyada iyo ku dhaqanka caadooyinka dhibaatada horseeda oo uu ka mid yahay gudniinka Fircooniga ah (FGM).

Baaqa ayaa ku soo aadaya kadib gabdho yaryar oo u geeriyooday gudniinka iyo kuwa kale oo loo dhigay isbitaallada. Khamiisti, labo gabdhood oo lagu kala magacaabo Aasiyo, oo 10 sano jir ahay iyo Khadijo oo jirtay 11 sano, waxa ay dhinteen kadib markii lagu guday tuulada miyiga fog ah ee Dorodo, oo dhacda xadka ay Itoobiya kala wadaagto Soomaaliya dhinaca maamulka Puntland. Gabdhaha ayaa geeriyooday iyadoo loo qaadayay Isbitaalka.

- Advertisement -

Labo bilood ka hor Deqa Nour oo 10 sano jir ahayd ayaa sidan oo kale u geeriyootay kadib markii lagu guday tuuulo ay deganyd.

In ka badan 7 gabdhood oo kale oo u dhaxeeya da’da 5 ilaa 8 sano jir ayey shaqaalaha Save the Children badbaadiyeen kadib markii la marsiiyay gudniinka fircooniga ah, waxaa lagu daweynayaa isbitaallo ku kala yaal Goldogob and Beletweyne. Hablahaasi ayaa si daran u dhiig baxayay markii la geeyay isbitaalka.
Inkastoo dowladda iyo ururada bulshada rayidka ah ay ku dedaalaan ka wacyi-gelinta halisaha iyo saameynta gudniinka fircooniga ah hadana dhaqankaasi si aan joogsi lahayn ayuu u socdaa, isagoo halis gelinaya nolosha malaayiin gabdho soomaaliyeed ah, duudsanayana xaqa ay u leeyihiin caafimaad iyo sharaf.

“Waxa aan ka cabsi qabaa in tani kaliya tahay, Irbad biyo lagu qaaday oo kale, maadaama xaalado badan laga yaabo in aan laga soo waramin,” ayuu yiri Timothy Bishop, agaasimaha guud ee Save the Children Somalia. “Tan kaliya waxaa lagu joojin karaa haddii ay qoysaska iyo bulshooyinka yiraahdaan ‘Nagu filan-ma sii wadi karno in aan ciqaabno oo aan halis gelinno nolosha carruurteenna.”

- Advertisement -

Bishop ayaa sheegay ka sokow dedaallada bulshada ee lagu joojinayo gudniinka fircooniga ah loo baahan yahay qawaaniin adag oo difaaca gabdhaha kuwa ku kacana marsiiya ciqaab. Xeerka gudniinka fircooniga ah iyo xadgudubyada galmo ee sida xooggan u ballanqaadaya ka hortag sharci ah xadgudubyada hablaha la kulmaan sida gudniinka fircooniga ah iyo tacadiyada jinsiga ku slaeysan wali dowladda Somaliya ma meelmarin.

Inkastoo uu hoos u dhacay ku dhaqanka gudniinka Fircooniga ah ee Somaliya oo ka yimid 98% haatanna jooga 90% waxaa loo baahan yahay in wax badan la qabto si loo ciribtiro. FGM waxa uu ku xadgudbaa xuquuqda caafimaadka, amniga iyo sharafta jirka ee gabdhaha iyo sidoo kale xaqa ah in laga xoroobo daaweynta ka baxsan bani’aadanimada, jirdilka iyo naxariis darada, iyo xaqqa nololeed kolka hab-raacsi keeno dhimasho.

Save the Children waxay dib u xaqiijineysaa sida ay uga go’an tahay inay sii waddo taageerada dawladda, bulshada rayidka ah iyo mujtamaca si loo ciribtiro dhaqamada FGM. Save the Children waxay si dhow ula shaqaysaa maamullada maxalliga, bulshada iyo xukuumadda si ay kor ugu qaadaan wacyiga iyo hubinta hababka ilaalinta saxda ah ee jira si wax looga qabto gudniinka Fircooniga ah ee Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts