HomeCaalamkaMasuul Caawa loo Geystay dil loo adeegsaday Toorreey

Masuul Caawa loo Geystay dil loo adeegsaday Toorreey

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Nin ku hubeysnaa toorey (Mindi) ayaa waxa uu Deegaanka Qori Lugud ee Soomaaliland ku dilay Isuduwihii Wasaaradda howlaha guud iyo Dhulka ee Soomaaliland. Isu duwaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Eng.Axmed Cawil Daryeel,kaasi oo la sheegay in uu dilay nin watay Mindi,isla markaana uu goobta ka baxsaday. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in […]

- Advertisement -

Nin ku hubeysnaa toorey (Mindi) ayaa waxa uu Deegaanka Qori Lugud ee Soomaaliland ku dilay Isuduwihii Wasaaradda howlaha guud iyo Dhulka ee Soomaaliland.

Isu duwaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Eng.Axmed Cawil Daryeel,kaasi oo la sheegay in uu dilay nin watay Mindi,isla markaana uu goobta ka baxsaday.

- Advertisement -

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in xiliga dilka uu dhacayay Eng.Axmed Cawil uu ku sugnaa Dhul ku yaalla Deegaanka Qori Lugud halkaasi oo uu ka waday howlo Shaqo.

Waxaa la sheegay in Ninka ka dambeeyay dilka Eng.Axmed Cawil Daryeel uu ku dacwoonayo in Eng-ka uu ku soo sikiyay dhul uu qodayay,isla markaana uu khilaaf soo kala dhexgalay,sidaasna uu dilku ku dhacay.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Soomaaliland oo kun aadan dilka loo geystay Isu duwihii Wasaaradda howlaha guud iyo Dhulka ee Soomaaliland.

Latest stories