HomeCaalamkaDiyaarado duqeyn ku dilay 4 ruux oo rayid ah

Diyaarado duqeyn ku dilay 4 ruux oo rayid ah

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Duqayn ay isbahaysiga Sacuudiga ay ka gaysteen magaalada dekada leh ee Hodeida ayaa waxa uu haleelay xarun idaacad oo halkaasi ku taalla.

Kooxda mucaaradka ee Xuutiyiinta ayaa waxa ay sheegeen in weerarkaasi ay ku dhinteen 4 qof oo rayid ah.
Balse isbahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa waxa ay dhankooda sheegeen in dhismahaasi uu ahaa mid xarun u ahaa mucaaradka Xuutiyinta.

- Advertisement -

Waxa ay isbahaysiga intaa ku direen in ay duqeeyeen bartilmaameed militari oo uu hadafku ahaa.
Dowladda Yemen iyo isbahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa waxay muddooyiinkii ugu dambeeyay wadeen duqaymo ay ku doonayeen in ay dib ugu qabsadaan magalada Hodeida.

Qaar ka mid ah weerarada ay fuliyaan isbahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa waxaa ka dhashay muran ka dib markii sida la sheegay lala bartilmaameedsaday goobo ay rayidka ku badan yihiin.
Weeraradaasi mid ka mid ah ayaa waxa uu ka dhacay suuq ku yaalla magaalada Hodeida halkaasi oo ay ku dhinteen dad ay caruur ku jiraan.

Waxaa jira walaac laga qabo in dagaalkan uu hakad ku keeno howlaha dekadda magaalada Hodeida.
Dekadda magaalada Hodeida ayaa wax ka soo daga gargaarka bina’aadanimo ee Yemen loogu talagalay.
Qaramada Midoobay ayaa horey uga digtay dagaal xooggan oo ka dhacay magaalada Hodeida in uu sababi karo dhibaato bina’aadanimo.

Latest stories