HomeWararAkhriso Magacyada Guddigii Aqalka Sare ee xal raadinta oo lagu soo dhaweeyey...

Akhriso Magacyada Guddigii Aqalka Sare ee xal raadinta oo lagu soo dhaweeyey Garoowe

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Wafdigii ugu horeeyay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro Dowlad Goboleedyada dalka si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Wafdiga waxaa magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey […]

- Advertisement -

Wafdigii ugu horeeyay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro Dowlad Goboleedyada dalka si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wafdiga waxaa magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Puntland iyo Guddoomiyaha Guddiga xalinta qilaafaadka u xilsaareen Aqalka sare Dhinaca Puntland Sanatar C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo halkaasi uga sii horeeyay.

- Advertisement -

Xubnaha Aqalka sare ee gaaray magaalada Garoowe maanta waxaa kamid ah

Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) “Guddoomiye”
Sen. Maxamuud Axmed Maxamuud (mashruuc)
Sen. Siciido Xasan Cusmaan
Sen. Xuseen Sheekh Maxamuud
Sen. Cusmaan Axmed Macow
Sen. Mustaf Maxamed Qodax
Sen. Bootaan Barre Samatar
Sen. Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere
Sen. Farxaan Cali Xuseen
Sen. Hodan Maxamuud Cusmaan
Sen. Ayuub Ismaaciil Yuusuf
Sen. Shukri Adam Maxamed.

Golaha Aqalka Sare oo shalay isugu yimid shir aanan caadi ahayn kana dhacay xarunta Aqalka Sare ayaa si wadar-ogol ah ku ansixiyay go’aankii Guddiga joogtada uu gaaray September 12, 2018 oo ahaa in loo diro Dowlad Goboleed kasta guddi soo baara una kuurgala xaaladda siyaasadeed, amni, nololeed, bulsho, iyo arrimaha federaalka ee ka jira Dowlad Goboleedyada, si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Dowlad Goboledyada isla markaasna xal loogu heli lahaa xaaladda hadda taagan.

- Advertisement -

Hoos Ka Daawo Saworada Wafdiga.

Latest stories