HomeCaalamkaDuufaan ku dhufatay gobol ka tirsan dalka Mareykanka

Duufaan ku dhufatay gobol ka tirsan dalka Mareykanka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Duufaantan ayaa kusoo aaday xilligii la saadaaliyay galinka dambe ee maalinta khamiista ah kuna dhuftay gobolka North Carolina. Waxay sheegen inay filayeen daa’dad nolosha khalkhalgelinaya oo ka dhasha roobabka iyo dabeylaha sare u sii kacaya. Xarunta qaran ee duufaannada Maraykanka ayaa sheegtay in Duufaantan ay ku socoto xawaare aad u sarreeya oo aan kala go’ […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Duufaantan ayaa kusoo aaday xilligii la saadaaliyay galinka dambe ee maalinta khamiista ah kuna dhuftay gobolka North Carolina.

Waxay sheegen inay filayeen daa’dad nolosha khalkhalgelinaya oo ka dhasha roobabka iyo dabeylaha sare u sii kacaya.

- Advertisement -

Xarunta qaran ee duufaannada Maraykanka ayaa sheegtay in Duufaantan ay ku socoto xawaare aad u sarreeya oo aan kala go’ lahayn islamarkaasna ay halkii saacba ay jareyso dhul ballaaran oo dhan 165 kiloomitar.

Waxayna intaasi ku dartay in ay filayso in isbedel yar uun ku yimaaddo inta aysan gaarin xeebaha.
In ka badan 1.7 milyan oo ruux ayaa la qorsheynayaa in laga daad gureeyo gobollada South iyo North Carolina, maryland iyo Virginia.

Mike Sprayberry oo ah madaxa ha’yadda North Carolina Emergency Management, oo dadka ka caawisa sida ay uga jawaabi lahayeen masiibooyinka inay khibrad ka heleen duufaantii dhacday sanadkii 2016-kii ayna yaqaanan sida loo daad gureeyo dad aad u tiro badan.

- Advertisement -

Madaxweyne Trump ayaa saxiixay amarro badan oo ku aaddan gurmadka degdega ah, wuxuuna sheegay inuu la hadlay dhammaan barasaabyada gobollada ay saameynta ku reebi karto duufaanta.

Ciidammada badda ee Mareykanka ayaa 30 markab u diraya badda si ay xaaladda ula socdaan islamarkaasna uga qayb qaataan dadaallada samata bixinta waa haddii duufaanta ay xeebaha dalkaasi ku dhufato.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts