HomeMaqalDhageyso:-Ra'iisul Wasaare Kheyre oo amar dul-dhigay Golihiisa Wasiirada

Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo amar dul-dhigay Golihiisa Wasiirada

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa ku amray golihiisa Wasiirada inaysan heshiisyo Caalami ah gelin,iyada oo aan lala socodsiin Garyaqaanka guud ee Qaranka iyo ama Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya. Kulankii shalay ee golaha Wasiirada ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore, waxaana dood dheer […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa ku amray golihiisa Wasiirada inaysan heshiisyo Caalami ah gelin,iyada oo aan lala socodsiin Garyaqaanka guud ee Qaranka iyo ama Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya.

Kulankii shalay ee golaha Wasiirada ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore, waxaana dood dheer kadib golohu isku raacay in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah ogaysiiyo garyaqaanka guud iyo ra’iisul wasaaraha si looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho.

- Advertisement -

Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud ayaa sheegay in Golaha Wasiirada lagu amray inaysan gelin heshiisyo aan la soo marsiin garyaqaanka guud iyo ra’iisul wasaaraha.

Dowladihii hore ee dalka soo marey ayaa waxaa Golaha Wasiirada waxa ay geli jireen heshiisyo Caalami ah oo qaarkood aysan la ogeyn Madaxda ugu sareysa dalka waxaana taasi ay sababtay dhibaatooyin dhaqaale oo xukuumadda Soomaaliya ay soo bandhigtay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Latest stories