HomeCaalamkaItoobiya oo Ciidamadeeda kala baxeysa xaduudka Eritrea

Itoobiya oo Ciidamadeeda kala baxeysa xaduudka Eritrea

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay ka bixi doonaan goobaha soohdinta ah ee dalkaasi uu la wadaago Eritrea laga bilaabo maalinta Talaadada. Arrintan ayaa timid kadib markii hoggaamiyeyaasha labada dal ay dib u fureen baraha la isaga gudbo ee xuduudda labada dal halkaas oo ay colaadi ka taagnayd […]

- Advertisement -

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay ka bixi doonaan goobaha soohdinta ah ee dalkaasi uu la wadaago Eritrea laga bilaabo maalinta Talaadada.

Arrintan ayaa timid kadib markii hoggaamiyeyaasha labada dal ay dib u fureen baraha la isaga gudbo ee xuduudda labada dal halkaas oo ay colaadi ka taagnayd labaatankii sano ee u dambeeyey muran la xiriira xuduudda awgiis.

- Advertisement -

Kumanaan qof – oo ay ku jiraan askar ka kala socota labada dhinac – ayaa kala qayb galay hoggaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya dib u furitaanka xuduudda magaalooyinka Burre iyo Zalambessa kuwaas oo labaatankii sano ee lasoo dhaafay ahaa furin dagaal oo labada dal u dhaxaysa.

Todobaadkii hore, ciidamo labada dhinac ka kala socda ayaa ka qayb qaatay hawgal lagu saarayey miinooyinka laguna qaadayey jid gooyooyinka kuwaas oo ragaadiyey ganacsiga iyo isu socodka dadka labada dal oo colaadi ay ka dhaxaysay tan iyo sanadkii 1998.

Heshiiskii ay qaramada midoobay garwadeenka ka ahayd ee la saxiixay sanadkii 2000 ayaan marna la dhaqan galin dalalkuna ay xaalad dagaal kusii jireen.

- Advertisement -

In ciidamada laga saaro deegaanada lagu muransan yahay ayaa markasta ahayd dalab ka imaanayey Eritrea- taas oo horay ugu eedaysay Itoobiya in ay jabisay heshiiskii sanadkii 2000 ee xuduudda.

Balse labada dal ayaa kala saxiixday heshiis nabadeed oo cusub bishii July – kaas oo aayar aayar u baddalayey xiriirka u dhexeeya Eritrea iyo itoobiya kuwaas oo aan lahayn xiriir ganacsi iyo mid diblumaasiyadeed toona tan iyo dabayaaqadii sagaashameeyadii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories