HomeMaqalDhageyso:-Maamulka degmada Marka oo faah faahiyey weerar ka dhacay degmadaas

Dhageyso:-Maamulka degmada Marka oo faah faahiyey weerar ka dhacay degmadaas

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay Magalada Marka ee Xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidamada Dowladda Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa xalay fiidkii weeraray degmadaas,waxana halkaasi ka dhacay dagaal socday mudo ku dhow saacad sida dadka degmada ay u sheegeen Radio Dalsan. Guddoomiyaha degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay Magalada Marka ee Xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa xalay fiidkii weeraray degmadaas,waxana halkaasi ka dhacay dagaal socday mudo ku dhow saacad sida dadka degmada ay u sheegeen Radio Dalsan.

- Advertisement -

Guddoomiyaha degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose Xasan Macalin Cumarey ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen degmada,isla markaana ay dhankooda iska difaaceen.

Waxa uu sheegay in halkaasi uusan ka dhicin dagaal weyn balse Al-Shabaab ay dhowr rasaas ah degmada ku soo tuur tureen kadibna ay careen sida uu hadalka u dhigay.

Al-Shabaab ayaa dhankooda warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in weerarkii ay ku qaadeen degmada Marka Khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Codka guddoomiyaha degmada Marka.

Latest stories