HomeCaalamkaItoobiya oo ka hadashay Wararka sheegaya in Cabdi Maxamuud Cumar la jirdilay

Itoobiya oo ka hadashay Wararka sheegaya in Cabdi Maxamuud Cumar la jirdilay

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Maanta ayaa Xaaska, iyo hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar labaduba waxa ay sheegeen in xasbiga lagu jir dilay,isla markaana xaaladiisa ay tahay mid aan wanaagsaneyn balse waxaa hadalkaas ka jawaabtay dowladda Itoobiya.

Taliyaha Booliska federaalka ee Itoobiya, Jeneraal Zeyinu Jemal wuxuu BBC u sheegay “inay been tahay. Ma jirto cid garaacday. Inkastoo lagu eedeeyey dambiyo culus, si wanaagsan oo ah sidii madaxweyne hore ayey ula dhaqmayaan ayuu yiri”.

- Advertisement -

Isagoo ka hadlayey in isbitaal loo ogolaaday iyo in kale ayuu yiri Jeneraal Zeyinu Jemal “Isbitaal marka la aadayo waa in bukaan socod eegtada xabsiga ku dhex taalla ay u dirto. Haddii uu xanuunkiisa weyn yahayna isbitaal ayaa loo dirayaa. Nidaamka ayaa sidaas ah, cid si gaar ah wax loogu samaynayo ma jirto” ayuu sii raaciyey.

Taliyaha Booliska itoobiya, Zeyinu Jemal, ayaa hore u sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar loo haysto rabshadihii magaaladda Jigjiga ka dhacay afartii bishii Agoosto, rabshadahaas oo dad badan ay ku dhinteen laguna gubay dhismaha kaniisad magaalada ku taalla iyo hanti kaleba.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories