HomeCaalamkaDowladda Jabuuti”DP World waa ka mamnuuc Dekadda Dooraale

Dowladda Jabuuti”DP World waa ka mamnuuc Dekadda Dooraale

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Xukumadda Jabuuti ayaa sheegtay ineysan suuragaleyn iney shirkadda DP World ay mar kale ku soo noqoto maamulka Dekedda Dooraale. Shirkadda DP World War saxafadeed ay 5-ti bisha Sitembar soo saartay ayaa waxay ku sheegtay iney maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska u xukuntay maamulka iyo maareynta Dekedda Dooraale ee Jabuuti iney ku soo noqoto. Dowladda Jabuuti […]

- Advertisement -

Xukumadda Jabuuti ayaa sheegtay ineysan suuragaleyn iney shirkadda DP World ay mar kale ku soo noqoto maamulka Dekedda Dooraale.

Shirkadda DP World War saxafadeed ay 5-ti bisha Sitembar soo saartay ayaa waxay ku sheegtay iney maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska u xukuntay maamulka iyo maareynta Dekedda Dooraale ee Jabuuti iney ku soo noqoto.

- Advertisement -

Dowladda Jabuuti oo ka jawaabeysa warmurtiyeedka ka soo baxay shirkadda DP World ayaa waxay soo saartay war qoraal ah ka soo saartay

Warqadda qoraalka oo ka soo baxday xafiiska madaxtooyada Jabuuti ayaa waxaa lagu xusay, “iyada oo laga duulayo go’aanka ay horay madaxtooyada Jabuuti uga soo saartay iney gabi ahaanba maamulka iyo maareynta Dekedda Dooraale kala wareegtay maamulka Shirkadda PDSR ee maareynta dekedda gacanta ku haysay”.

Dowladda Jabuuti ayaa waxay si cad u xaqiijisay iney DP World ay dib ugu soo laaban karin Maamulka Dekadda.

- Advertisement -

Waxay xukumadda Jabuuti qoraalkeeda ku sheegtay in maamulka marsada si buuxda looga wareejiyey shirkad maxalli ah oo la yiraahdo SJTD.

Waxayna Jabuuti sheegtay doonitaanka shirkadda DP World ay ku dooneyso iney maamulka dekadda ay ku soo noqotao “inay tahay doonitaan aan marnaba suuragaleyn”.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay Shirkadda DP World oo mar kale Jabuuti ku soo laabata iney ka dhigan tahay in mar kale fursad loo siiyo inay mucaaraddo dowlad madax bannaan.

22-ka bisha Febraayo ee sanadkii hore 2018-ka ayaa shirkadda DP World si rasmi ah shaqada dekadda looga joojiyey, iyada oo maamulka dekadda Dooraale gacanta ku haysay tan iyo 2006-dii.

Qoraalka xukumadda Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeeyey iney shirkadda ilaa iyo xilligaa caqabad ku ahayd horumarka dalka Jabuuti.

Waa markii seddexaad ee ay maxkamad amar ka soo saarto khilaafka u dhaxeeya Jabuuti iyo DP World.

Dekadda Dooraale waa isha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Jabuuti, waana halka ay shaqaalaha ugu badan ka helaan fursadaha shaqo.

BBCSOMALI

Latest stories