HomeWararMadaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo sheegay in aan xiriirka loo jari Karin...

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo sheegay in aan xiriirka loo jari Karin DFS

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa uu ka hadlay qodobadii ka soo baxay Shirka golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka oo lagu soo gabegabeeyay Magaalada Kismaayo. Waxa uu Madaxweyne ku xigeenka kasoo horjeestay qodobadii shirkaas ka soo baxay oo ay kamid […]

- Advertisement -

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa uu ka hadlay qodobadii ka soo baxay Shirka golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka oo lagu soo gabegabeeyay Magaalada Kismaayo.

Waxa uu Madaxweyne ku xigeenka kasoo horjeestay qodobadii shirkaas ka soo baxay oo ay kamid ahaayeen in dowlad goboleedyada dalka ay hakiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay dowladda dhexe Soomaaliya.

- Advertisement -

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa sheegay in dowladda dhexe xiriirka aysan u jari doonin maamulka galmudug,isla markaana tilmaamay in madaxdii ku shirtay Magaalada Kismaayo ay ku fashilmeen shirkooda.

Sidoo kale Carabey ayaa sheegay in khilaafka u dhexeya madaxda ugu sareeysa maamulka Galmudug loo baahan yahay in xalintooda loo daayo madaxda Galmudug,waxaana uu baaq u diray maamul goboleedyada kale in ay xiliyaan khilaafka ka jira deegaanadooda.

Latest stories