HomeMaqalDhageyso:-Axmed Madoobe“DFS Baraha Bulshada haku soo gudbiso wixii ay nasiisay inana xisaabcelin....

Dhageyso:-Axmed Madoobe“DFS Baraha Bulshada haku soo gudbiso wixii ay nasiisay inana xisaabcelin….

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxa uu jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeeray Wasaaradda Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya,kaasi oo ku aadanaa in xisaabcelin laga rabo madaxda dowlad goboleedyada dalka. Waxa uu  sheegay in ay aad u fiicnaan laheyd in dowladda ay wax bixiso islamarkaana xisaabtanto,isagoo tilmaamay in baraha bushada […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxa uu jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeeray Wasaaradda Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya,kaasi oo ku aadanaa in xisaabcelin laga rabo madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Waxa uu  sheegay in ay aad u fiicnaan laheyd in dowladda ay wax bixiso islamarkaana xisaabtanto,isagoo tilmaamay in baraha bushada ay ku arkeen warqad Wasaaradda Maaliyadda ka socotay.

- Advertisement -

Isagoo oo khudbad ka jeedinayey xiritaanka Shirkii Golaha iskaashiga dowlad Goboleedyada  ee lagu soo gabe gabeeyay Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah Jubbaland ayuu hadalkan sheegay

“Waxaan inagu rabnaa si rasmi ah in ay baraha bulshada inoogu soo gudbiso wixii ay nasiisay dowlada, inana xisaabcelin waxaan ka sameyn doonnaa baraha bulshada,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale waxa uu Axmed Madoobe sheegay in hadalkaas uu tuhun ka dhex abuuri karo madaxda Maamul goboleedyada dalka iyo shacabka ay mas’uuliyiinta ka yihiin.

- Advertisement -

Waxaa soo hadal qaaday Madaxweynaha in dowladda lacago ay dowlada  Sucuudiga ugu deeqay Soomaaliya oo gaareysa 50 milyan oo dollar siisay dowlad goboleedyada,sidoo kalena ay xigtay lacago min $500,000 (shan boqol oo kun oo doollar) oo ay dowladdu madaxda dowlad goboleedyada siisay shirkii Baydhabo.

 

Hoos ka dhageyso Codka Madaxweynaha Jubbaland.

Latest stories