HomeCaalamkaSawirro:-Wasiirka Waxbarashada Somalia oo la kulmay xubno ka tirsan Midowga Yurub

Sawirro:-Wasiirka Waxbarashada Somalia oo la kulmay xubno ka tirsan Midowga Yurub

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulan ka qaatay madaxa waaxda  horumarinta adeegga bulshada midowgga Yurub gaar ahaan Soomaaliya Mr, Olivier Louis. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa  xoghayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane  Axmed Xassan iyo Maxamed Sabuul oo ka socday midowga Yurub. Arrimaha kulanka lagu lafa guray […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulan ka qaatay madaxa waaxda  horumarinta adeegga bulshada midowgga Yurub gaar ahaan Soomaaliya Mr, Olivier Louis.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa  xoghayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane  Axmed Xassan iyo Maxamed Sabuul oo ka socday midowga Yurub.

- Advertisement -

Arrimaha kulanka lagu lafa guray ayaa waxaa ka mid ah  xaaladda waxbarashada dalka, iyo tageerada uu midowga Yurub ka geysto horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi  Goodax Barre ayaa bogaadiyay tageerada iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo midowga Yurub, gaar ahaan waxbarashada.

Sidoo kale mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa xubnaha ka socday midowga Yurub u sheegay in guullo badan laga gaaray sameynta manhajka cusub, tababarka macalimiinta iyo tacliinta sare.

- Advertisement -

“Waxaan bogaadinaya wada shaqeynta iyo tageerada midowga Yurub u la garab taagan yahay Soomaaliya,wana uga mahad celinayaa,sidoo kale waxaan ka wada hadalnay arrimaha manhajka cusub, tababarka macalimiinta iyo tacliinta sare’ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in bisha Maarso ee sannadka 2019-ka dalka Kuwit lagu qaban doono shir looga hadlayo,waxbarashada dalka islamarkana ay ka qeyb geli doonaan deeq bixiyeyaasha tageera waxbarashada Soomaaliya.

Madaxa waaxda horumarinta adeegga bulshada Mr Olivier ayaa ballan qaaday in dhankooda ay sii laba jibaari doonaan tageerada dhanka waxbarashada ee Soomaaliya, gaar ahaan hirgelinta manhajka cusub.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa malmihii la soo dhaafay kulamo kala duwan la qaadanayay hay’adaha Soomaaliya ka tageera waxbarashada dalka kuwaasoo dhamaantood ballan qaaday inay kaalin ka qaadan doonaan horumarinta waxbarashada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts