HomeCaalamkaSawirro:-Duqa Muqdisho oo saxiixay Heshiis lagu mataaneynayo Caasimadaha Ankara iyo Muqdisho

Sawirro:-Duqa Muqdisho oo saxiixay Heshiis lagu mataaneynayo Caasimadaha Ankara iyo Muqdisho

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabadirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Dhiggiisa Magaalada Ankara ee dalka Turkiga Mudane Dr. Mustafa Tuna ayaa kala saxiixday heshiis dib loogu cusboonaysiinayo mataaneynta Caasimadaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan ayaa dhigaya in labada Maamul ee Muqdisha iyo Ankara ay is-dhaafsadaan khibradda dhanka maareynta shaqooyinka Dowladda Hoose, tayeynta shaqaalaha, qorsheynta iyo fulinta mashaariicda horumarineed, ilaalinta bilicda iyo deegaanka.

- Advertisement -

Labada Duq ee Muqdisho iyo Ankara ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay mataaneynta labada magaalo iyo sooyaalka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya, kaas oo ku suntan tan iyo sannadkii 1988-dii.

“Si loo xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya labada caasimadood, loona horumariyo xiriirka saaxiibtinimo ee dawladaha hoose ee Muqdisho iyo Ankara ayaa labada dhinac waxa ay dib u cusbooneysiiyeen heshiiska mataaneynta labada magaalo, kaas oo ku dhisan iskaashi, is-taakuleyn iyo wax wada-qabsi.”

Heshiiska mataaneynta Muqdisho iyo Ankara ayaa dhigaya in la xaqiijiyo qodobbada soo socda:

- Advertisement -
1. In la is-waydaarsado khibradda dhanka maareynta iyo hannaanka fulinta isbedellada qorshaynta magaalooyinka, guryaha iyo gaadiidka dadweynaha, ilaalinta deegaanka, dhaqaalaha, sayniska iyo dalxiiska.
2. In la xoojiyo iskaashiga labada magaalo, iyadoo loo marayo martigalinta dhacdooyinka iyo bandhigyada ku saabsan arrimaha dhallinyarada, dhaqanka iyo hiddaha, tababarrada xirfadaha iyo ciyaaraha.
3. Dhiiri gelinta iyo hirgelinta dhammaan qorsheyaasha iyo mashaariicda ku qotama kor u qaadidda horumarinta guud ee labada magaalo.
4. Waaxda Maamulka Dawladda Hoose ee Muqdisho iyo Waaxda Xiriirka Dibadda ee Dawladda Hoose ee Ankara ayaa u xil saaran joogteynta xiriirika iyo isku-dubaridka shaqooyinka labada magaalo, iyagoo wakiil uga ah dawladahooda.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories